Ciidamada Badda Puntland oo xiray ajaaniib si sharci darro ah u kalluumeysaneysay (Sawiro)

Ciidamada Badda Puntland oo xiray ajaaniib si sharci darro ah u kalluumeysaneysay (Sawiro)

Nayroobi (WDN)  April 24, 2013-Ciidamada Badda ee maamulka Puntland, ayaa xeebaha Laasqorey ee gobolka Sanaag ku soo qabtay kalluumeysato ajaaniib ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha degmada Laasqorey.

C/risaaq Diiriye Faarax oo ah taliyaha ciidamada badda Puntland oo shir jara’id ku qabtay xarunta ay ciidanku ku leeyihiin Bariga magaalada Bosaso ayaa sheegay in ay soo qabteen 78 kalluumaysato u dhashay dalka Iran iyo 12-Soomaali ah oo ilaalo ka hayey doonyahaasi.

Waxa uu taliyuhu sheegay in iska hor-imaad muddo kooban socdey uu dhex maray ciidamada iyo maleeshiyaadkii ilaalinaayay kalluumeystadaasi sida sharci darrada ah uga kalluumeysaneeyay xeebaha Sanaag, sida uu C/risaaq warka u dhigay, Kaas oo aan wax khasaare nafadeed ah geysan.

“Dadka degmada Laasqorey, ayaa nagu soo war galiyay, dhibaatada iyo xaalufinta ay kalluumeysatadaasi sharci darrada ah ku hayaan xeebaha” ayii yiri taliyaha ciidamada badda Puntland.

Waa tiradii ugu badneyd ee mar qura la soo qabto, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Puntland.

Si-kastaba, waxa uu Taliyaha ciidamada badda ee Puntland uu ugu dambeyn sheegay in raggan lala xisaabtami doono islamarkaasina dhawaan la maxkamadeyn doono.

1_385
3
4
Jamaal A. Cismaan

WardheerNews.com

Nayroobi, Keenya