Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Alshabaab oo dagaal xoogan ku dhexmarey Shabèelaha Dhexe

Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Alshabaab oo dagaal xoogan ku dhexmarey Shabèelaha Dhexe

Muqdisho (WDN)- Ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad iyo ciidanka Duufaan ee Nabad Sugidda Qaranka, ayaa saaka weerar xooggan ku qaadey fariisin xarakada Alshabaab ku leedahey deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale beegsadey Beerta Cali Mahdi, halkaasi oo kooxda Alshabaab u ah maxkamad bulshadu ku cadaadiso.

Dadka deegaanka ayaa soo tabinaya in iska hor imaadku yahey mid aad u adag oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, wali jirto faahfaahin dheeraad ah oo ku aadan khasaaraha iska hor imaadkani ka dhashey.

Kooxda Alshabaab ayaa maanta deegaankaasi isugu yeertey dhamaan milkiilayaasha gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano ee ka hawlgala magaalada Muqdisho, ayadoo ujeedada dhabta ah ee qorshahaan aan la ogeyn, waxaana muuqata in weerarka ciidamada amaanka uu u muuqdo mid lagu fashilanayey kulankaas Alshabaab maanta qorsheyneysay.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.