W/Q. Cabdullaahi M. Cawsey
Muddo laga joogo shan sanno, waxaan aqristayaasha WardheerNews la wadaagay maqaal aad u faafey oo la magac baxay Naxariista Caqliga. Waqtigaas aan qorayay maqaalkaa waxaan la mid ahaa mucaashaq jaceyl barad ah oo ku ashqaraaray quruxda, wanaagga iyo hufnaanta gabar ay isku cusub yihiin oo kale, marka la fiiriyo sidii aan ula dhacay cududda iyo cuddoonida uu caqligu u leeyahay nolosha aadanaha.
Waxaan ku baraarugay in la gaarey waqtigii aan tilmaami lahaa ceebaha caqliga mar haddii laga soo gudbay maalmihii aniga iyo caqliga aan ku tabbinay shukaansiga iyo is xod-xodashada una gudubnay waqti qaangaar ah oo la mid ah midka ay wada qaataan lamaanaha isku raaga ee isku noqda muraayad oo kale si midba midka kale uga dhex arko dhaliilaha u gaarka ah.
Caqliga oo la caashaqo, waxaa laga dhexlaa guul iyo gobannimo aan qoraal sidan u kooban looga sheekayn karin. Guusha ugu weyn ee mudan in la tilmamao ayaa ah in noloshaada aad ku dabaraysid garasho soofeysan oo si sahlan u xallisa arrimaha isku gudban ee nolosha la soo darsa. Waayoaragnimada caadiga ah waxaan ku ognahay in caashaq walba laga dhexlo xorriyad darro gooni ah marka la fiiriyo arrimaha kugu seegaya jaceylka ku indho tiray! Sidaa si la mid ah, caqliga oo la caashaqo waxaa kugu dhaafaya qaar ka mid ah dhadhanada kala duwan ee nolosha kuwaasoo garashada madaxa banaan aan lagu dhadhamin karin.
Marka aad daacad u noqotid caqliga waxaad abaal-gud ahaan u helaysa awood dhanka garashada ah oo yaab leh oo kugu bixisa mararka qaar in aad quursatid dadka caqliga aan isku dhiibin sidaadoo kale. Awoodda noocan ah ee garashda caqliga laga dhaxlo waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa litaalka labaatan jir caafimaad qaba u adeegsan karo ku durdurinta oday waayeel ah oo matoobo ku tukubaya. Marwalba oo aad murantaan dad aan ku fiicnayn adeegsida awoodda maskaxda waxaad ku raaxeysanaysaa guulaha aad ka gaartid doodaha doqomadu ay soo abaabuleen.
Inta lagu guda jiro dooddaha noocaas ah, caqliga wuxuu ku hilmaamsiinayaa in doqomadu yihiin quruxda iyo sirta farxadda nolosha oo dhan. Hilmaamka noocan ah ayaa ah ceebta ugu weyn ee laga dhaxlo adeegsiga caqliga.
Dhaliishan caqligu uu leeyahay waxaa igu baraarujiyay nin suufi ah oo badweynta cibaadada iyo marqaanka si fiican u dhex dabaashey. Suufigaas wuxuu ka mid ahaa xerta taabacsan shiikh awliyo ah oo karaamadiisa garashada caadiga ah aan lagu fahmi karin. Dood iyo muran aan u adeegsaday garashada-qallalan “ Intellect” kadib, Suufigaas caabidka ah wuxuu ila wadaagey xaqiiqadii ugu horreysay ee igu bixisa in aan u kuur galo dhaliilaha garashada qallalan ee meelaha aan la wareegayay.
Halkan ka akhri:Ceebaha Caqliga
W/Q. Cabdullaahi M. Cawsey
Somali Think Tank
Email: sthinkank@gmail.com
Leave a Reply