Carruur Muqdisho Gaaajo ugu Dhimatay

Muqdisho, Dad tiradoodu dhantahay 13 qof oo u badan carruur ayaa la sheegayaa in ay magaalada Muqdisho ugu dhinteen macaluul darteed.

Dadkan oo ah dad dan yar ah oo ku nool kaamka ay degganyihiin barakacayaashu oo ku yaal degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay u dhinteen nafaqa darro iyo macaluul.

Sida uu ku warramay Goobjoog News oo ay wariyayaal ka tirsani booqdeen kaamka ayaa la sheegayaa in kaamkan iyo kuwo kale oo isla kaxd ku yaal ay ka jiraan dhibaatooyin aad u ba’an.

Sumaya Axmed oo ka mid ah qaraabada saddex carruur ah oo gaajo u geeriyootey ayaa Goobjoog News u sheegtay in carruurtu u dhinteen, gaajo,  nafaqo darro iyo daryeel la’aan.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tidhi, “ Carruurta dhimatay waxaa ka mid ah labo mataano ah, saddexdooda kala maalin ayey kala dhinteen, hooyadood nabar ayaa lugta ugu yaalo, oo ma shaqeysan karto,  iyada hooyadeedna qaraxii ayey ku dhimatay oo meydkeeda waa la waayey”.

Wariyayaasha goobjoog News ee booqday xerada ayaa sidoo kale loo sheegay in goobtaasi aanay biyo lahayn oo laga goostay iyadoo islamarkaana aanay jirin hay’ad iyo cid kale oo caawisa midna.

Cabdinasir Xasan Cali, oo ah ku xigeenka amniga ee degmada Kaxda ayaa sheegay iney jirto duruuf guud oo gunno yaraan, musqulo, hoy iyo biyo la’aan intaba isaga oo ugu baaqay dowladda federaalka iyo hey’adaha gargaarka iney ka warhayaan dadkaasi.

Waxaa la yaab leh iyadoo dadkaasi danyarta ahi gaajo ugu dhimanayaan Muqdisho gudaheeda in Villa Soomaaliya aanay ka warhayn wax ay u qabato iska daaye halka ay ku mashquulsanayd siyaasi arday Soomaaliyeed kula hadlayay Maleeshiya oo u jirta in ka badan lix kun oo KM sidii ay uga hor istaagi lahayd qabsoomidda kulankaas.

Waxaan shaki lahayn in lacagaha lagu sido boorsooyinka ee lagu burburinayo maamul goboleedyada iyo kharshka xad dhaafka ah ee ku baxa safarada macnadarrada ah ee madaxda dawladdu had iyo jeer dunida ku wareegayaan in haddii lagu daryeeli lahaa nolosha dadkaas danyarta ah ay wax badan xaaladdooda iska bedddeli lahayd lana baajin lahaa dhimashada carruurtaas yaryar ee Soomaaliyeed.

WardheerNews