Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Cagjar Iyo Adeegayaashiisa oo Indhaha Ka Qarsaday Xasuuqa Shacabka Gobolka Siti

Abiy iyo Cagjar

WardheerNews

Waxay u niikinayeen Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo booqasho kooban ku marayay Deegaanka Soomaalida oo mashaariic qabyo ah iyo kuwo tobonaan sano ka hor la hirgeliyay xadhiga ka jaray, islamarkaana dhagaxdhigay kuwo dhowr jeer hore loo dhagaxdhigay.

Goobaha uu RW Abiya Axmed xadhiga ka jaray waxaa ka mid ah warshad xoolaha lagu qalo oo laga hirgeliyay magaalada Dirdhaba, haseyeeshee meel aan ka fogeyn oo isla gobolka Siti ah waxay ciidamada Liyuuga ee Canfarta oo garabsanaya ciidamada Federaalka Itoobiya, ku qalanayeen shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Waxa ay ciidamadaasi gabagabeeyeen dad iyo duunyaba deegaanka Garba Ciise, halkaas oo ay dhegta dhiigga u dareen shacab maati ah oo tiradoodu soddomeeye ku dhawdahay, islamarkaana iyagoo bililiqaystay wixii hanti magaalada taalay.

Arrintani ma aha wax cusub ee waa mid muddooyinkii ugu dambeeyayba ay dhacdooyinka noocan ahi soo noqnoqonayeen iyadoo aanay jirin habayaraatee wax tallaabo ah oo lagu badbaadinayo shacabkaas Soomaaliyeed oo ay ku dhaqaaqeen Kusime Cagjar iyo adeegayaashiisu.

Waxaa la yaab leh in Ugaaska Beesha Ciise uu baaq u diray Dawladda Federaalka Itoobiya, maamulka deegaanka iyo shacabka Soomaaliyeed si dadkaas maatida ah loo badbaadiyo, haseyeeshee uu maamulka Jigjiga dhegaha ka furaystay baaqaaas Ugaaska.

Kusime Cagjar ayaa isagu ku caanbaxay tan iyo intii kurisga lagu fadhiisiyay habayaraatee in aanu u damqan shacabka Soomaaliyeed ee uu sheegto in uu mas’uulka ka yahay, halka gurmad aan loo kala hadhin ay isaga iyo adeeegayaashiisu u fidiyaan haddii xagtin loo geysto shaqsi ka soo jeeda qawmiyadaha kale ee ku nool deegaanka Soomaalida.

Dhibaatada ugu ba’an ayaa had iyo jeer waxa ay soo gaadhaa shacabka Soomaaliyeed ee deggan xudduudaha Canfarta iyo Oromada, iyadoo Cagjar iyo maamulkiisuna ay ku caan baxeen in dhibkasta oo soo gaadha dadkaas ay indhaha ka qarsadaan oo aanay juuq odhan karin.

Mid ka mid ah saaxiibbadii hore ee Ina Cagjar oo ay hadda kala irdhoobeen ayaa hore baraha bulshada ugu faafiyay hadal uu ka soo xigtay Mustafe Cagjar oo ahaa “haddii aanay dadka la laynayaa Ogaadeen ahayn, maxaa inaga galay ee aan uga hadlaynaa”.

Hadalkaas damiir xumadu ka muuqato waa mid ay shacabka deegaanku si dhab ah ama ficil ah u arkeen, maxaa yeelay waxaan u soo joognay wakhtigii ay Oromadu weerrarada ba’an ee dhulballaadhsiga ku dhisan ku haysay shacabka deegaanka Tulli Guuleed iyo Mooyaale iyadoo aan arkaynay inuu difaaco iska daaye in Cagjar uu marar qaarkood la safnaa dhinaca kale siiba Oromada, si uu u ilaashado kursigiisa. Tan hadda ka taagan gobolka Siti -na waa la mid.

Haddaba waa nasiib darro in ninka damiirkiisu heerkaa gaadhsiisanyahay ay maanta shacabka Garba Ciise difaac iyo in uu ammaankooda sugo ay ka sugayaan.

Waxa keliya ee maamulka Cagjar iyo inta ka agdhawi ay xilligan danaynayaan waa boobka hantida ummadda tabaalaysan iyo iska dhaadhicinta cidda ay matalaan ee xilka u dhiibatay ee ay kaboqaadka u yihiin.

Waxa muuqata in maamulka Cagjar iyo kii uu xukunka ka dhaxlay ee Ina Ilay, ay waxyaabo badan isaga mid yihiin cagjarna uu qaaday dariiqii Ina Ilay.

Soomaalinimo lagu hadaaqo laguna beerlaxawsado shacabka marka af Soomaaliga lagu hadlayo, waa laga soo gudbay xilligeedii haseyeeshee waxaan weli muuqan shacabkii aayihiisa iyo dantiisa ka tashan lahaa, maadaama cudurka qabiilku naafeeyay oo aanu jirin mabda’ Soomaalinimo oo ay dullinimada kaga xoroobaan.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.