Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Cadale: Hawl-wadeenno caafimaad oo si iskood ah ugu istaagay hoos u dhigidda umul-raaca hooyada

Kaydka sawirrada/Ergo

Xirfadlayaal iyo takhaariir is abaabulay ayaa xarunta adeegyada hooyada iyo dhallaanka ee Raasi Hosbitaal iskood uga abaabulay adeegyo caafimad oo bilaash ah, kaasoo wax wayn ka taray dhibaatooyinkii hooyooyinka ka haystay dhalmada oo marar badan keeni jirtay in Muqdisho loola cararo.

Dumarka umulaya ayaa ku tiirsanaa umuliso-dhaqameedyo iyo rugta hooyada iyo dhallaanka ee (MCH) ee deegaanka, balse aan haysan adeegyo caawin kara hooyada haddii ay gasho xaalad adag sida uu sheegay Dr. Yaasiin Maxamed Xasan oo ah maamulaha kooxdan, isla markaasna isagu qaabilsan qalliinnada.

“Haddii hooyooyinku ka soo gudbaan umuliso dhaqameedyada, cunugga haddii uu hooyada ku qalloocdo, haddii hooyo qabto cudurrada sida macaanka,  haddii hooyadu gasho ikalamasiya, ama cunug dadabsamo, ibidii soo hormarto ma awoodaan MCH-yada baahidaas inay daboolaan;  taas ayaa nagu dhalisay inaan goob caafimaad ka furno halkan,” ayuu yiri Dr. Yaasiin isaga oo Raadiyo Ergo uga warramaya xaaladaha adag markii ay la soo guboonaadaan hooyooyinka.

Haweenka ku xiran xaruntan ayaa ka yimaada dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka hoostaga degmada Cadale oo kala ah deegannada Ceel-muluq, Cadoow-uul, Masaajid-Cali-gaduud, Bursho-sheikh, Guullane, Faqayaale, deegaanka ugu fog ayaana magaalada u jira 50 km.

Dr. Yaasiin wuxuu sheegay in bishii Juun ee sannadkii hore ay degmada ka kiraysteen guri toddobo qol ah oo ay bishii ka bixiyaan $100, halkaasna ay ku qaabilaan bukaannada u badan dumarka. Wuxuu sheegay in hawl-wadeennadoodu aysan faa’iido-doon ahayn oo ay si bilaash ah ku qabtaan hawsha shaybaarka, qalliinnada, umulinta, talooyinka caafimaadka iyo adeegyada kaleba; laakiin dadka rugta soo booqda waxay ka qaadaan $15, taas oo marka ay aruuriyaan ay ku bixiyaan kirada iyo socodsiinta adeegyada isbitalka.

Arrintan ayaa qoysas badan ka baajisay in ay kharash ku galaan safarka iyo baahiyaha kale ee ku xeeran marka qof xaalad adag ku jira oo laga qaado Cadale la geeyo Muqdisho, sidii horeba u dhici jirtay.

Haweenka Cadale ee ka baaqday in loo qaado Muqdisho waxaa ka mid ah Xaawo Cali oo 33 jir ah, lehna afar carruur ah, waxay saddex bilood ka hor ilmo ku dhashay rugtan iyadoo uusan kharash badani kagaga bixin. Laakiin arrintu sidaas waa ka duwannayd markii ay dhalaysay ilmihii kan ka horeeyay, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in kharash ka badan $1200 oo ehelladeedu u qaaraameeen ay kaga baxday safarka, qalliinka dhalmada iyo ilmaha oo afar habeen lagu dhex hayay dhalo, iyadoo waqtigaas laga qaaday deegaanka Ceel-muluq oo 40km dhanka woqooyi ka sii xiga Cadale.

“ Sokor ayaan qabay, wey iga dhacday, cunugga dhalo ayaa la galiyay, afar habeen meeshaas ayuu ku jiray, 75 dollar ayaa calaa habeen la dhiibayay oo daawadu ii sii dheertahay, xilli abaar ah ayay ahayd oo xoolaha waxba tareynin,” ayay tiri Xaawo.

Xaliimo Maxamuud Xasan  oo ah 38 sano jir oo deggan tuulada Caddoow-uul oo 23 km u jirta Cadale, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in carruurteedii hore oo shan ah aysan ku dhalin goob caafimaad, laakiin ilmihii ugu dambeeyay markii ay foolaneeysay 48 saac ay ku dhashay isbitalkan Raasi bishii Juun ee sannadkan.

“Hooyadeey ayaa ii ahayd umuliso, waa foolan jiray, waa iska dhali jiray balse dhib ayaan ku qabay, ma moodeeynin inaan sidaan fudud ku dhalaayo, waa cabsaday marka sariirta lay saaray, in lay qalayo ayaan mooday, balse Alxamdu lillaah waan dhalay,”ayay tiri Xaliimo oo si aada ugu faraxsan sida sahlan ay u dhashay.

Umuliso Iqra Axmed Cali oo ka hawl-gasha xaruunta Raasi waxay sheegtay in haweenka deegaanku aysan fahamsanayn la socodka ilmaha waqtiga uurka, taasoo adkaysa in xilliga dhalmada ay dhibaatooyin kala duwan ay la  kulanto hooyada, waxayna Raadiyo Ergo uga warrantay khibraddeeda iyo xaaladaha ay la kulanto.

“Aniga waxaa iigu darnaa intii aan joogay hooyo ikalamiso (Eclampsia) qabto, cunuggiina uu dadban yahay, laakiin Alxamdu lillaah waan ku guulaysannay oo takharka ayaa kala badbaadiyay,”ayay umuliso Iqra tiri.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.