Cadaado: Xoolo-dhaqato sanad kaddib ku soo laabtay deegaanadooda oo ay uga guureen qashin xoolaha ka dilayay

Kaydka sawirada/ Ergo

(ERGO) – Labo kun iyo shan boqol oo qoys oo xoolo-dhaqato ah ayaa dib ugu soo laabanaya guryahooda oo sanad ka hor ay uga guureen qashin laga qaado magaalada Cadaado oo lagu daadin jiray dhul-daaqsimeedkooda. Dadkaan oo daganaa agagaarka magaalada iyo miyiga u dhow ayaa go’aansaday inay soo laabtaan, markii maamul cusub oo degmada dhowaan loo doortay u xal u keenay qashiinkii lagu soo daadin jiray xoolo-daaqeenka.

Cabdi Xasan Cali oo ah aabbaha shan carruur ah, wuxuu dib ugu soo laabtay isaga iyo qoyskiisa qol jiingad ka sameeysan iyo baraag ay ku lahayeen duuleedka galbeed ee magaalada. Ninkan ayaa ayaa ku dhiiraday inuu gurigiisa dib ugu soo laabto sanad iyo lix bilood kaddib, markii uu ogaaday in qashinkii wax laga qabtay. Wuxuu xusay in hadda ay wax badan iska beddeleen nadaafadda deegaankiisa.

“Farqiga u dhaxeeya hadda iyo markii hore, meeshii hadda nadiif ayay noqotay awal qashinka ayaa lagu soo daabuli jiray. Maantana waa la habeeyay, godod ayaa loo qoday, qashinkii waa la gubay, carradii nadiif ayay noqotay. Meeshii ay xoolaha ku baabi’i jireen inta ay bacaha cunaan, maanta kaalay iska arag,” ayuu yiri.

Cabdi wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada ay arrintan sida wayn horay ugu saameeysay. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in bishii Oktoobar ee sanadkii tagay ay 21 neef oo ari ah uga dhinteen bac ay cuneen oo caloosha uga marantay darteed.

Wuxuu xusay in 90 neef oo u soo hartay, kuwaasi oo ay 30 ka xanuunsanayeen uu ula hayaamay deegaanka Qaradhi oo 20 km u jirta Cadaado. Afar neef oo ka mid ahaa kuwii ka xanuunsanaa ayuu tilmaamay inay ka dhinteen, halka lix neef oo arigiisa ka mid ah ay qoyska biisheen.

Waxuu ku faraxsan yahay inuu dib ugu soo laabto deegaankiisii oo qashin la’aan ah. Wuxuu hadda la soo laabtay 80 neef oo uusan uga baqayn inay bac ka cunaan, maaddaama deegaanka laga nadiifshay. Wuxuu ku talo jiraa in maamulka degmada uu kala shaqeeyo ka ilaalinta qashinka.

“Maamulku haddii shaqada uu sii wadi waayo waxay noqonaysaa in meeshi sideedii ay ku laabato. Annaga xitaa shaqaalaha gacansiinta kula shaqaynaya dawladda in aan ka mid noqono, qashinkana aan iska kor joogtayno ayaan go’aansannay. Qashinka meesha lagu soo fogaynayo ayaa wax u adkaysan kara la arkin; xoolaha ayaa cunaya, ilmaha iyo carrada dhan waa ku jiranaysaa. Xooluhu waa shubmayaan. Waxaraha yar-yar waaku baaba’ayaan. Ilmaha caba caanaha ariga bacaha cuna, ilmaha kale xitaa ma garaan,” ayuu yiri.

Cabdi oo horay magaalada uga shaqaysan jiray xamaalka dhismaha guryaha, waxuu fursad u helay inuu dib u billaabo shaqadiisa. Waxuu sheegay in intii uu ka maqnaa deegaankiisa ay u suura gali-waysay in si joogto ah u magaalada uga shaqeeysto, maadama qoysku joogay deegaan aysan aqoon.

Ciise Xuseen Maxamed oo deegaanka Laamo-gaab oo 5 km galbeed ka xigta Cadaado ku dhaqanaya 65 neef oo ari ah ayaa muddo labo todobaad ah ka soo kabanaya walwalkii uu ka qabay qashinka.  Ninkan ayaa sheegay in afartan neef oo ari ah ay ka dhinteen dammaadkii 2021-kii, kaddib markii ay daaqeen qashinkii lagu soo qubay dhul-daaqsimeedka.

Ciise oo haraaga xoolihiisa ula hayaamay 12-kii bishii koowaad ee sanadkan deegaanka Bawda-dhogore oo qiyaastii 25 km dhanka galbeed Cadaado uga began, ayaa deegaankiisa dib ugu soo laabtay, billowgii bishaan markuu ka warhelay in qashinkii la aruurshay.

“Walaalow markan maqlay bacdii iyo qashinkii ayaa wax laga qabtay, dareen wanagsan ayaa i galay oo deegaankaygi in aan ku soo laabto rajo kama qabin awal oo qashinka geedaha xitaa lama arki jirin. Marka aad iyo aad ayaan ugu farxay, hadda deegaankii ayaan ku soo laabannay. Halkaas ayaa xolihii badarka lagu siiyaa, bacdiina wa laga dhameeyay,” ayuu yiri.

Xoolo-dhaqatada ayaa inta badan noloshooda ku tiirsan tahay iibinta xoolaha waaweyn, kuwaasi oo ay ka iibiyaan dallaalada u sii iib-geeya waddamada Carabta ama ka iibiya dadka deegaanka ee ka ganacsada hilibka xoolaha.

Xoolaha bacda cunay oo xanuunka dartiis caato noqday, iibna aan geli karin ayuu xusay Ciise inay ku qasabtay inuu nolosha qoyskiisa oo siddeed qof ah ka dabbaro shaqo xoogsi ah oo uu ka soo qabto Cadaado.

Gawaarida xamuulka ah ayuu rarka ka dejiyaa, wuxuuna ugu badnaan ka helaa $6 maalintii. Waxa uu naawilayaa in ay xoolihiisa nacfi yeelan doonaan, haddii ay haleelaan roobka gu’ga. Waxa uu sharraxayaa sababta uu uga hayaamay deegaankiisa oo u degganaa muddo siddeed sano ah.

“Sababta aan deeganka uga qaxnay waxay ahayd bacdaas oo aafo ah oo neefkii cunaa uusan yeelanayn rajo. Dhinaca iibka haddaad maagto saamayn ayay kugu yeelanaysaa neefku haddii uu bac cunay jirkiisa waxba gali maayaan (cayili maayo) ama kawaanleeyda ka gad ama suuq layda ka gad,” ayuu yiri.

Maamulka degmada Cadaado wuxuu god ka qoday meel duleedka waqooyi kaga beegan magaalada, halkaasi oo loogu tala galay in dadku ay qashinka geeyaan si loogu gubo.  Sdoo kale, waxaa ay sameeyeen shirkad si gaar ah uga shaqeeyso fogeynta qashinka iyo gubiddiisaba. Gawaaridii qashinka horay u qaadi jiray ayuu tilmaamay inay ka mamnuceen qadista qashinka, mas’uuliyad darro ay sameeyeen awgeed.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame oo la hadlay Raadiyow Ergo ayaa sheegay in nadiifinta qashinka ay kala qayb qaateen dadwaynaha magaalada iyo ardayda iskuulada. Wuxuu xusay in dadka ay ku baraarujiyeen qatarta caafimaad ee qashinka.

“Dadka xoolo-dhaqatada ah iyo kuwa magaalada deggan intaba wada shaqayn fiican ayaan leenahay. Waxa aan ka shaqaynayno waa wax dadka dantooda ah, dadkuna waa ku baraarug san yihiin. Qashinka deegaanka iyo dadka ayuu dhibaato u geysanayaa. Waxaan ku wacyi galinnay dadka magaalada daafaheeda ku nool in qofkii ay arkaan ee qashin baabuur kusida in baabuurkaas taargadiisa ay qoraan, ciidamada amnigana ay la soo xariiraan,” ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay in inta uu shaqaynayo maamulkisa aysan ogolaan doonin in qashin la dhigo meel aan ahayn godkii laagu-talo-galay.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.