Caaddado, Julay 04, 2015 (WDN)- Doorashada madaxtinimada maamulka dhawaan laga yagleelay gobollada dhexe ee Galmudug oo maanta ka dhacday magaaalada Caddaado, ayaa Md. Cabdikariim Xuseen Guuleed loogu doortay xilka madaxweynanimo ee maamulkaas.
Iyadoo ay musharixiin dhawr ahi u tartamayeen jagadan, ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed ay isu soo hadheen wareegii 3aad isaga iyo Axmed Macallin Fiqi iyadoo uu Cabdikariim helay 49 cod halka musharax Fiqina ka helay 40 cod.
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah shakhsi ay aad isugu dhawyihiim madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu hore uga soo qabtay xukuumadda Fedraalka Soomaaliya jagooyinka wasiirka Arrimaha `Gudaha iyo Amniga.
Shirka maamul u samaynta gobollada Dhexe oo soo jiitamayay dhawrkii bilood ee aan soo dhaafnay, ayaa ahaa mid ay hadheeyeen muran iyo ismaan dhaaf badan oo ka dhex aloosnaa beelaha iyo maamuladii hore uga jiray deegaankaas.
Kooxda Ahlu sunna ee ka arrimisa magaalada Dhuusamareeb, ayaa iyadu hore uga soo horjeedsatay shirka caddaado iyadoo maamulka Puntland isna uu walaac badan ka muujiyay degmooyin ka tirsan Puntaland oo maamulka cusub sheegtay.
Si kastaba ha ahaatee doorashada Cabdikariim Xuseen Guuleed ee madaxtinimada maamulka Galmudug, ayaa ah guul u soo hoyatay madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda ku hareeraysan ee Damul Jadiid.
WardheerNews
Leave a Reply