Cabdi Xaashi oo markale loo doortey guddoomiyaha aqalka sare

Muqdisho (WDN)- Senetor-da Golaha Aqalka Sare  ee Soomaaliya ayaa maanta markale dib u doortey Guddoomiyhii hore ee Golaha Aqalka Sare Senetor Cabdi Xaashi inuu noqdo guddomiyaha golaha aqalka sare .

Md. Cabdi Xaashi ayaa helay cod gaaraya  28 cod halka musharaxiinta la tartamaysay ay kala heleen sidaan:

Saalax Axmed Jaamac 24 Cod
Cismaan Abokar Dubbe 2 Cod.

Doorashada gudoomiyaha Aqalak Sare, ayaa waxaa codkooda dhiibtay 54 Senator ee uu ka kooban yahay goluhu.

Waxaa sidoo kale iyana la doortay guddoomiye ku xigeenadda aqalka sare iyadoo Cali Shabcaan Ibraahim loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad halka Cabdullaahi Cali Tima Cadde isna loo doortay jagada guddoomiye ku xigeenka 2aad ee aqalka sare.

Doorashada dadban oo in ka bada sanad iyo badh soo jiitamaysay ayaa ku sifowday khilaaf siyaasaddeed, iyada oo noqonaysa doorasho tii ugu dheereyeed ee ka dhacda adduunka.

Maxamed Cumar Aaden
Wardheernews, Muqdisho