
Addis Ababa, Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Ilay. Sida ay ku waramayaan qaar ka mid aha warbaahinta dalka Itoobiya, Xafiis Xeerilaalihaya Guud ee Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida la xidhay, iyadoo lagu eedeeyay xadgudubyo dhan ka ah xuquuqda aadanaha iyo abaabul iskudhacyo xagga qawmiyadaha iyo diimaha salka ku haya.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Cabdi Ilay laga qabtay gurigiisa oo ku yaalay meel u dhaw Hoeelka Atlas ee magaalada Addis Ababa. Booliska ayaa sheegay in markii la qabanayay Cabdi Ilay gurigiisa ay ka heleen 5 qori oo AK ah iyo 4 bistooladood.
Cabdi Ilay ayaa lixdii bisahan Agoosto ee aan ku jirno lagu qasbay in uu iska casilo xilka madaxweynenimo ee Deegaanka Soomaalida, iyadoo maalin ka dibna ay ciiddamada Federaalku u qaadeen Addis Ababa.
Xadhiga Cabdi Ilay oo tobonkii sano ee aan soo dhaafnay ka baarqabaynayay magaalada Jigjiga, ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu maanta si rasmi ah hawlihiisii u billaabay madaxweynaha cusub ee Deegaanka Soomaalida, ka dib markii ay maalintii shalay cod buuxa ku ansixiyeen Baarlamaanka Deegaanku, islamarkaana loo dhaariyay xilkaas.
WardheerNews
