Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Cabdi Ilay oo Madaxweyne Maqaarsaar ah Xilka u Dhiibtay

Cabdi Ilay iyo madaxweynaha cusub Axmed Cabdi

Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee caasimadda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in guddida fulinta ee xisbiga ka arrimaiya Deegaanka soomaalidu ay u magacaabeen Axmed Cabdi Maxamed oo hore u ahaa wasiirka maaliyadda in uu noqdo madaxweynaha cusub deegaanka Soomaalida.

Madaxweynihii hore Cabdi ilay ayaa la sheegay in uu isagu weli sii ahaan doono guddooomiyaha Xisbiga talada haya ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo ah xisbiga keliya ee ka jira deegaanka.

Isbeddelkan  ayaa u muuqda mid lagaga hortagayo in dawladda dhexe oo caddaadis weyni kaga imanayay Ina Ilay ay shakhsi iyadu wadato lagu bedelo Cabdi Ilay, taasi oo keeni karta in lagula xisaabtamo dambiyadii faraha badnaa ee uu ka galay shacabka Soomaaliyeed ee uu taladooda ku amarkutaaglayn jiray.

Dadka siyaasadda deegaanka u dhuun daloola ayaa aaminsan in inkastoo uu wareejiyay xilkii haddana ay  awoodda iyo talada deegaanku noqon doonto mid weli isaga ka go’da, amarraduna xaggiisa ka soo fuli doonaan. Madaxweynaha cusub oo ka mid ahaa adeegayaashii Cabdi Ilay waxa uu noqon doonaa uun mid xilka ku magacaaban oo maqaarsaar ah.

Cabdi Ilay oo tobankii sanno ee ugu dambeysay si aad ah uga dhex muuqday talada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxba kamajiraan ka dhigay dastuurkii iyo sharcigii deegaanka isagoo islamarkaana nidaam boqortooyo oo isaga iyo reerkoodu ka taliyaan ka hirgeliyay magaalada Jigjiga.

Dawladda Federaalka iyo Shacabka Deegaanka ee isbeddel doonka ahaa ayaanay weli caddayn sida ay uga jawaabi doonaan arrimahan cusub ee ku soo kordhay deegaanka.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.