Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Burco: Ku dhawaad 2,000 qoys oo wajahaya biyo yari saameysay nolol-maalmeedkooda

 by Jibril Osman

Kaydka Ergo

Kaltuun Cabdullaahi Axmed iyo carruurteeda oo shan ah ayaa hela 7 liitar oo biyo ah 24 saacba mar. Waxay dhabar uga soo qaadaa ceel ku yaalla magaalada Burco, kaas oo xerada ay ku jiraan ee Maloosh u jira 8 km.

Waxay ka mid yihiin 1,800 oo qoys oo deggan xeryaha Kurlibaax, Maloosh iyo Boos ee duleedka Burco, kuwaas oo muddo afar bil ah wajayaha biyo yari, markii ay gurtay war ay biyaha roobka ka heli jireen.

Dowladda hoose ee Burco ayaa saddexdii maalinba mar gaysa xeryahan min booyad biyo ah. Qoyska Kaltuun waxaa ku adag in ay helaan biyahan tirada dadka haraadku uu hayo oo badan darteed.

“Booyaddaas biyaha ah jirgaamo iyo afar-qaadyo ayaa la hoos-yaacnaa. Dadka inta xoogga leh ayaa hor yaacda oo wax dhaansada. Dadka inta badan ee itaalka yar iyo kuwa carruuraha haysta way hungowdaa biyo la’aan darteeda. Wax Allaale iyo waxaan karsanaa inta badan ma jirto.”

Waxaa yaraaday cunnada karsadaan qoyska Kaltuun tan iyo markii biyo yarida ay la kulmeen. Waxay sheegtay in biyaha ay dhabarka ku soo qaaddo hal waqti oo ka mid ah maalintii ay cunnada ugu kariso carruurteeda. Halka inta kale ay u adeegsato nadaafadda iyo cabitaan.

Waxay dhibaato ka maartaa keenidda biyahan oo ay ka soo dhaansato ceel bilaash ah oo ku yaalla Burco. Waxay ka cabanaysaa masaafada oo fog iyo culayska ay soo qaaddo oo joogto noqday.

Waxay sheegtay in ay kaashato koox haween ay oo xerada la deggan, kuwaas oo biyaha ay isla doontaan isla markaana ay isweheshadaan.

“Dhowr dumar ah oo ilaa 4 ama shan ah baan isku raacnaa. Jidkaas baan ka baqanaa. Daalimiin iyo ragga jooga baan ka baqanaa. Afar saacadood iyo bar ayay nagu qaadataa weliba markaan dheeraynayno oo dumar socod-roon isku soo raacno sii socod iyo soo socodba.”

Kaltuun oo kaligeed korisa carruurteeda oo aabbahooda ay kala tageen waxaa biyo yarida u dheer cunno xumo. Waxay tilmaamtay in aysan shaqaysan, balse tan iyo 2017 oo barakac ay ku timid xerada ay ku tiirsanayd gargaar raashin ah oo bille ay u heli jirtay.

Cunnadan oo ka koobnayd bur, bariis iyo sonkor waxay ka helaysay hay’adda WFP inkastoo ay sheegtay in ay ka istaagtay. Hadda waxay ku tiirsan tahay raashin aan badnayn oo ay ka soo bariso dad ay qaraabo yihiin oo deggan Burco.

“Cunnada aad iyo aad bay noogu liidataa. Dadku barigii hore waxay uga imaan jiray magaalada. Sanad iyo dheeraad waxba ma imaan. Hay’ado nooma yimaadaan. Wax kale oo caawinaad ah ma helno. Biyaha ayaa noogu liita.”

Kaltuun waxay lix sano ka hor ka soo barakacday deegaanka Saraar oo Burco bariga kaga beegan 85 km. Abaar ka dhacday ayaa ka dishay 150 ari ah. Waxay soo maciin bidda xerada Maloosh si ay u badbaadiso nolosha qoyskeeda.

Waxaa la mid ah qoyska Faadumo Yuusuf Muuse 10 ah. Waxay ku nool yihiin xerada Kurlibaax, halkaas oo ay ku wahayaan xaalad biyo yari. Xerada ay ku jiraan waxaa ku nool 600 oo qoys, kuwaas oo toddobaadkiiba mar hela booyad qaadda 40 fuusto oo biyo ah.

Waxay sheegtay Faadumo in ay dhowr jeer ay ku hungowday helidda biyahaas, balse ay ka doorbiddo in ay u aroorto Burco. Gadiidka Bajaajta oo xeradeda ay deggan tahay taga ayay la raacdaa dhowr jirgaan oo biyo ay ku soo dhaansato.

Qoyskeeda maalmaha qaar wuxuu wajahaa biyo la’aan, maaddama aysan joogto u helin lacag ay gaadiidka ku raacdo. Arrintan ayaa samayn ku yeelatay cunnada uu helo qoyskeeda.

“Saddexda waqti ee wax la karsado hal waqti baan carruurta wax dabka u saarnaa habeenkii weliba. Baahida biyaad ee noocaas ah ayaa na haysa. Afartii bilood ee u danbeeyay ayay nasaameysay. Waayo waqtigii ka horreeya waxaa jiray roob aan xareed ka dhaansanaynay.”

Biyo yarida ka jirta xerada Kurlibaax waxay u horseedday qoyska Faadumo dhaqaale xumo. Waxay ku qasbanaatay in ku bixiso biyo helidda toddobaadkii lacag dhan $3. Waxaa ka qaata gaadiidka Bajaajta ee biyaha ay ku soo qaadato.

Lacagta uga baxda biyaha ayay sheegtay in ay saameyn ku yeelatay nolol-maalmeedkooda, maaddama uusan kuwada filnayn saygeeda oo xoogsade ah qarashka ku baxaya biyaha iyo cunnada.

Waxay naawilaysaa in dowladda hoose ee Burco ay kordhiso biyaha ay keento xerada, maaddama aysan kaafin karin qoysaska deggan halka booyad.

“Booyadda saddexdii maalin ama asbuucii hal mar bay soo gashaa. Biyaha ay keento 600 qoys  100 ma gaaraan. Inta kale way ka qaddaa. Qofka waayeelka ah waa qadaa. Maatada carruurta ahna way qaddaa xooluhuna way qadaan. In xoog leh oo rag aha ma gabar ah oo dheeraynaya ayaa inta hore la haadda oo dhaansada jirgaamada.”

Nolosha qoyskeedu wuxuu ku tiirsan yahay dhuxulaynta geedka garanwaaga oo ku badan Burco iyo hareeraheeda. Sayga Faadumo oo shaqadan qabta wuxuu ka helaa toddobaadkii $10. Faadumo waxay xustay in mararka qaar aan laga iibsan dhuxusha.

“Marka dhuxusha nalaga iibsan waayo ama aanan shidan oo aan wayno waxaan u soo cararnaa magaalada. Dadka ayaan baahideena ku la soo duldhacnaa. Qof baa nasiiya rubac qofna maalin karsi ayuu nasiiyaa. Waxaas baan ku nool nahay.”

Qoyska Faadumo oo ku cayroobay abaarta waxay sanadkii 2017 ay ka soo barakceen miyiga deegaanka Bali-hood oo 90 km u jira Burco, halkaas oo abaartu ay uga dishay ku dhawaad 100 ari ah iyo dhowr awr oo ay raranayeen.

Xildhibaan Khaalid Xasan Diiriye wuxuu ka mid yahay guddi dowladda hoose Burco ay u xilsaartay ka warqabka baahiya dadka soo barakacay ee ku nool xeryaha ku yaalla Burco.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in ay wadaan biyo dhaaminta ay u sameeyaan qoysaska ku nool saddexda xero ee ka durugsan Burco. Waxaan waydiin waxa uu kala socdo biyo yarida ay ka cabanayaan dadka ku jira kaamamkaas.

“Cabashadu waxay ahayd inta ay noo yimaadaan in ay nayiraahdaan biyaha naguma filna ee hanaloo kordhiyo. Anigaa ah xildhibaankooda. Waxay ahayd in ay i kaxeeyaan oo yiraahdaan noo kordhi biyaha. Waa loo kordhin lahaa. Mar kaliya maysan oran biyo la’aan baa nahaysa.”

Biyaha la geeyo xeryaha oo dad ku jira ay sheegeen in ku yar yihiin waxaa ka taageerta dowladda hoose ee Burco hay’adda Alkhayri. Khaalid ayaa sheegay in ay u kuur gali doonaan baahida biyood ee dadku muujiyeen si ay wax uga qabtaan.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.