W.Q. Maxamed Hiirad

Waxa keli ah ee dadka Soomaaliyeed isku wada raacsanyihiin waa in Soomaaliya burburtay. Laakiin, waxaanay weli is weydiin su’aalahan soo socda:-
1– Maxaa burburkaa Soomaalidu ku weydey?
2 – Dhibaatadaa dadka iyo dalka ku dhacday, cid farta lagu fiiqi karo oo dembiile ah ma la garanayaa?
3 – Burburintii, 25 sanno ka dib, mala joojiyey mise weli waa la sii wadaa?
4 – Wax rajo ah ma laga qabi karaa in qarankii Soomaaliyeed dib usoo noolaado?
Su’aalahaas jawaabtooda intaanan u gelelin, horta Soomaaliya maxay aahayd ama ahaan jirtey dhibaatadaa ka hor?
Qowmiyadda Soomaalidu waxay ahaan jirtey ummad soo jireen ah oo wax kasta oo ummadi leedahay u dhanyihiin. Waxay lahayd dhul iyo magac mideeya, dhaqan, iyo xeer ma guuraan ah oo u dhexeeya iyo diin ay wada rumaysan yihiin oo hab nololeedkooda ku salaysan. Intaasi waa intaan gumaystayaashii reer Yurub dalka qabsan aakhirkii qarnigii 19aad. Inkastoo diidmo iyo dagaallo badan lagala hor tegey, haddana xoog ayay Soomaaliya ku qabsadeen iyadoo mararka qaarkood dayuurado dagaal loo adeegsanayey. Kaba sii darane, waxayba u qaybiyeen shan qaybood. xuduudna waa kala dhex dhigeen.
Hase ahaatee, inkastoo gumaysi xun yahay oo dantiisa mooyaane dadkuu gumaysanayo uusan wax dan ah u haynin, haddana waxyaalo badan oo Soomaalida waqtigaa ka dhimmanaa ayey abuureen. Sida wax barasho casri ah, magaalooyin badan oo cusubb, booliis iyo maxkamado iyo ganacsi horumarsan. Macnaha wuxuu abuuray nidaam dowladnimo oo shaqaynaya. Aakhirkiina kuwuu isagu waxbaray ayaa xukunkii kala wareegay oo dalkii xornimo iyo dowlad Soomaali ah ka dhisay. Waana tii 1960kii gobollada Waqooyi oo Ingiriisku haystey iyo Koonfurta oo Talyaanigu haystey ay midoobeen oo la baxeen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Taasoo iyaduna u faqdiiratey in ay inta hadhayna wada xorayso. Arrintaas oo dadka Soomaaliyeed aad iyo aad yididiilo iyo farxad gelisey. Intaas ka bacdi, in kastoo dhaliilo badan dadku sheeganayeen, haddana wax badan ayay Soomaalidu qabsatay. haba u sii badnaayeen wixii dowladdii milatariga ahayd qabatay. Taasoo Soomaalidu gaadhay qadderin iyo ixtiraam caalami ah oo ka badan dalalkii Afrikaanka ahaa ee ay isku filka ahaayeen.
Sidaas ayay Soomaalidu burburkii ka hor ahayd.
Marka haddii bulshadu ka aamustay, kana gaabsadeen in ay su’aalahan kor ku xusan ay isweydiiyaan, aan sadarro kooban ka iftiimiyo.
1– Maxaa burburkii Soomaalidu ku weydey?
Nasiib darro, soddon sannadood ka bacdi xornimadii, wax kasta oo Soomaalidu ay lahayd waa la burburiyey.
Waxaa baaba’ay ciiddankii, nidaamkii dowladnimo, iyo wax kasta oo qarankii ku taagnaa. Iska daaye, wixii shacabka isku xidhayey oo dhan baa waxba laga hayn.. Sida diintii oo ahayd xadhiga ugu weynaa oo walaalaha lagu wada ahaa. Taasoo noqotay meesha dhibaatada ugu badan ka taagan tahay ilaa iyo haddeerna cillinkeedii la saari la’yahay.
Waxaa cagta la mariyey, raad kasta oo qaranku lahaa intii ummadani soo jirtey. Sida matxafyadii, dukuminyadii madaxtooyada, wasaaradaha iyo hey’adihii dalku lahaa. Xataa qabuurihii dadkii caanka ku ahaa Diinta iyo weddeniyaddu maanay nabadgelin.
Waxaa burburay dhaqankii soo jireenka ahaa ee lagu xaajoon jiray marka lays qabto. Waxaa meesha ka baxay magicii laysku ahaa (Soomaaliya) oo waxaa lagu beddeshey laan laan.
Inagoo aan dhammayn karin waxa Soomaali ka lumay, waxaan odhan karaa Soomaali waxba uma cayman.
2. Burburkii weli ma joogsadey?
Waxaa muuqata in aan cidiba isku deyin in la joojiyo. Dilkii, dhicii, barakicintii, neceebkii iyo dowlad la’aantii weli 26 sanadood ka bacdi, waa socdaan. Weliba dad baa ku faraxsan una haysta in ay guulaysteen, hodmeen oo magac iyo sharafi u korodhay.
3. Soomaaliya yaa burburiyey?
Soomaaliya dowlado shisheeye kuma soo duulin ee dadkeedii ayaa burburiyey. Laakiin cid qiran in ay wax dhintay ama dalkii iyo dadkiisii burburisey lama hayo. Cid doodaysa oo leh ciddaasaa wax naga bi’sayna lama hayo. Waa la yaab!
Hayeeshee, haddii Soomaali oo dhan arrintaas ka wada aamustay, aan isku dayo inaan jawaab kooban ka bixiyo su’aaasha ah yaa Soomaali burburiyey?
Taariikhda haddaynu dib u milicsano, dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray 1977 – 1978 dabadii waxaa dalka ka bilowday jabhado hubaysan isla markaana qaab qabiil u dhisnaa. Kuwaas oo dhinaca Itoobiya laga soo taakulaynayey. Ugu horrayntiina waxaa bilaabay saraakiil ciiddankii dalka ka mid ahaa oo ka soo jeedey gobolka mudug (SSDF). Kuwaas oo dagaal kaga hor yimid xukuumaddii milatariga ahayd. Waxaa iyana markiiba ku raacay saraakiil ka soo jeeday gobollada Waqooyiga oo la baxay SNM. Dabadeed la isku wada dayey. Waxaa galka seefta ka siibay kuwii Xamar daya iyo gobolada dhexe. Kuwaasoo iyana la baxay USC. Waxaan meesha ka maqnaan Bay iyo Bakool oo la baxaySDM iyo kuwii Jubooyinka SPM iyo kuwo kale oo dhammaantood ka sita xarafka S haseyeeshee qabiil matalayay.
Jabhadahaasi wax iyagu heshiis ku ahaaeen ma jirin oo aan ahayn burburin. Mid walibana waxay adeegsanaysey dad qabyaalad lagu soo ururiyey oo in ay wax dilaan iyo dhac mooyaane aan wax kalaba loo sheegin. Dowladdii iyo dalkiiba waxaa looga dhigay in reer leeyahay. Sidaa darteed dowladdii Soomaaliya waa dhacday. ciiddankiina wa kala yaacay, dadkiina waa kala qaxay. Intaa ka bacdi, jabhadihii ma garan dowladdii ride eh indinku heshiiya oo dalka dowlad u noqda, waxa ka hadhsana badbaadiya. Taa bedelkeedii iyagiibaa is dilay isla markaana mid waliba gaarkeedii isu sii dishey. Laakiin muddo ka bacdi, jabhadihii way kala adkaadeen. USC waxay si meel ku gaadha qabsatay Gaalkacyo ilaa xuduudda Kiinya iyo xuduudda Koonfurta Itoobiya
Muddo ka bacdi, waxaa gaar u heshiiyey laba ka mida oo kala ah USC iyo SNM. Waxay ku heshiiyeen in USC Koonfur qaadato. SNM na Waqooyi qaadato oo aan midna lagu qordin qaybteeda. Soomaaliduna waxay la degi la’dahay waa arrintaas. Sababtoo ah dadka qaar baa og waxa labadaa jabhadood heshiiska ku yihiin oo in taasi u hirgasho ka soo horjeeda. Waataas markii la kala adkaan waayey cid waliba gaalo cawaansanayso si Soomaalidaa kale uga adkaato.
Gabagabadii
Waxaa la yidhi “Diin dharaareed la wada aragye” burburka soomaalida la wada oge, daawo ma la heli karaa? Mise sidaasaa arintaasi ku dhammaaneysaa?
Waxaa muuqata in xal la heli karo hadday doonto muddo dheerba ha qaadatee.
Amuurtaas oo ah in labadii jabhadood ee ku heshiiyey in iyagu keligood dalka qaybsadaan, damacoodii hore ka noqdaan oo talo loo dhan yahay iyagu marka hore Soomaali oo dhan ku heshiiyaan. Dabadeedna sidii la arki jirey laysu wada aamino. Weliba sidaa ma wada samayn karaan. Kuwa keliya ee yeeli karaa waa dadka gobolada Waqooyi. Weliba SNM dheh Ama afkaba ku ballaadhi oo dheh Isaaq.
Waxaan shaki ku jirin haddii la heli lahaa rag iyaga ah oo sidii hore u dhiiran oo mar keliya odhan lahaa, waar Sooaaaliyi waa mid, waar Soomaali diidow dillaac, in laysu iman lahaa oo la wada tashan lahaa. Maxaa yeelay iyagu waxay yidhaahdaan waa ka run.
W.Q. Maxamed Hiirad
Email :mohamedhiirad@yahoo.com
