Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Boorame: Nadaafad xumo ka jirta xaafadaha qaar oo xanuuno sababtay

Kayd Radio Ergo

Xasan Xuseen Cali waa aabe lixdan iyo laba jir ah oo qoyskiisu ka kooban yahay 8 ruuxu kaasoo  degan xaafada Faaraxyood oo kutaala waqooyiga magaalada Boorame ee gobolka Awdal, wuxuu kamid yahay ilaa 200 oo qoys oo xaafadaasi degan, Xasan iyo qoysaska kale ee la degan faaxadu waxay caqabad kala kulmayaan qashinka lagu daadiyo godka qashinka Boorame oo xaafadooda u dhow, godka ayaa buuxsamey waxaana dabayshu banaanka usoo saartaa qaar kamid ah qashinka godku ka buuxsamey taasoo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan dadka degan xaafadaasi.

Xanuuno loo sababayno qashinka oo uu kamid yahay shuban caruurta ku dhacaya, dadka waaweyn oo samboor ka qaadaya, wasakhowga hawada xaafadaasi oo uu sababay qaac ka baxa dad mararka qaar lagu shido godkaasi qashinku buuxiyey iyo xoolaha oo cuna bacaha iyo waxyaabaha kale ee halkaasi lagu daadiyo ayaa kamid ah caqabadaha ay qoysaska halkaasi degan kala kulmaan godkan sida uu Radio Ergo u sheegay Xasan Xuseen oo 3 da ilmood ee ugu yar caruurtiisu hadda la xanuunsan yihiin shuban uu aaminsan yahay in qashinku sababay.

“ Saddex qof oo ciyaalka kuwii ugu yaryaraa ah waa xanuunsan yihiin, quf iyo shuban iyo indho xanuun saddexdaasi baa ugu daran,waxeyna ka qaadeen qiiqa iyo qashinka goobta yaala, Gobolka iyo degmada waan ka qayliney ,odayaal baan ku tagney ,haween baa tagey cabasho badan baan bixiney  cid wax ka qabatayna ma jirto.” ayuu yiri Xuseen.

Xuseen iyo dadka degan xaafada ayaa ka walaacsan qashinkan iyo inaan cidi waxba ka qaban, bulshada xaafada oo is abaabuley ayaa hor istaagey baabuurta qashinka soo qaada ee godka ku shuba taasoo sababtay in ciidamo ka socda Dowlada Hoose ay tageen xaafada 10 kii bishan April.

“Markaan wax badan qaylinay cid wax noo qabata ma arag, markaan is aabaabulayna ciidan baa naloosoo diray, wax aan samayno ma naqaan hada,  ilaahey iyo dawlada dhexe ayaanu u cabanaynaa in qashinkaas nalaga maareeyo, oo meel kale la geeyo ,Xanuun baan ka qaadney mid labaad xanuunka imka na haya waxa nagaga daran xanuunka iminka aduunka sameeyey ee dhibta adag ku haya ayaaba hogaan u yahey,hadiiba aan anagu qaadno magaalada waa wada saameynayaa cabashadana cid hoos u eegeysa oo ka mida gobolkana waan laanahey “ , ayuu yidhi.

Caasha Muxumed Axmed ayaa sidoo kale kamid ah dadka caqabadaha ku qaba godkan qashinku buuxiyey, nadaafad xumo joogto ah ayay sheegtay inay kala kulmaan godkan iyo qashinkiisa taasoo sababtay in cunada ay karsan kari waayaan maalinkii.

“ Waxaanu ku qabnaa dhibaato weyn oo  weyn oo aan la soo koobi karin ayaan u qabnaa goobta qashin qubka  waxa weeyaan wax alla waxa qashina bari iyo galbeed joogta magaalada Qudhunkeeda ayaa la keena, wax kale ba ha joogeene bahal diqsi ah oo qashinkan sababay ayaanu cuntadii la karsan wayney, hadaad jikada gasho malaayiin doqsi baa weelkii kaa qarinaya.” ayay tidhi.

Caasha ayaa ka digeysey halista caafimaad daro ee ay dareemayaan xiligan iyadoo codsatay in Dowlada Hoose wax ka qabato qashinkan buux dhaafiyey xaafada Faaraxyood ee magaalada Boorame.

“Waxa u horeeya ee aan ka cabaneyno waa Shuban,Cabudh joogta ah ,Hargab ,Dikhsi,qashin caruurtii oo naga shubanta iyo hargab aan ka baxeyn baan ka cabaneynaa.” ayay tidhi.

Bahda caafimaadka ayaa walaac daran ka muujinaya halista caafimaad ee ka dhalankarta godka qashinka oo dad badani dhex degan yihiin. Dr Mustafe Xuseen Xoogsade oo la Hadley Radio ergo waxa uu bulshada iyo maamulka degmada Boorama ee khusayso u soo jeediyey talooyin lagu xakameyn karo loogana hortagi karo xanuunada kala duwan ee ka dhasha goobta qashin qubka

“ waxa jira dad masaakiina oo  taga goobta qashinka oo waxyaabaha hadhaagee anfacaya ka soo gurta ,kolkaa dawlada waxaan odhan lahaa dadkaasi waa in la kaantaroolo Waayo dadkaasi waxa meeshii jira irbado dad lagu soo mudey dadkaasi xanuuno kala duwan bay qabi karaan oo xanuunadaasi irbadahaasi hadii ay mudaan ka qaadi karaan waana halis in iribadaha iyo cusbitaalada Privateka  la controlo meeshay ku ridaan la controlo oo ay dawladu la socoto goob gaarana lagu rido ,Hadii ay dadkii tagaan waxaad arkeysaan caruurihii jaarka lahaa oo afuufeysa oo gloveskii ama shan faroodkii afuufeysa waxa laga yaabaa in qof lagaga dhaliyey ama qof gaara loogu shaqeeyey qofkaasina xanuun gaara qabey , xanuunkaasi ilmihii yaraa ama hooyadii ay qaadeysaa in markaa arrinkaana aad looga digtoonaado ,caruuraha ku ag ciyaarayana aad looga ilaaliyo goobta qashinka “

Radio Ergo ayaa wax ka wadyiiyey Duqa degmada Saleebaan Xasan Xadi dhibaatada ka dhalatey godka qashinka Boorama.

“ Gudi bay leedahey xaafadu gudidiina saaka si fiican baan isku aragney laakiin saaka oo dambeysay gudida waan is aragney wanan ka wada hadalney godka qashinkana dhib kale  maahinee magaalada gaadhey ,kol hadey magaaladii gaadhey in badana la isticmaalayey hadana mar labaad sidii kanba hada loo soo rarey godka qashinkana loo sii raraa waa wax waajiba oo anaga na saraan ,Shirkadaha Qashinka waxaan ku wacyigalineynaa godka qashinkaa qashinka garab dhigine gaadiidka qashinku halkeeda dhigaan ,markaa cabashadooda dacwadahooga iyo Umuurahooga balamahaga aan u qaadney way kala duwanyihiin ,Qaarkood waxaan u balan qaadney in qashinka godka lagu rido oo meel soke aan la dhigin ,qaakood waxaan u balan qaadney oo ay leeyihiin waar godkii haba nagala rarao gabigiisaba ,godkana waxaan uugu talo galney in aan meesha ka rarno .”

Source: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.