W.Q. Axmed Cabdulle
![sharif](http://www.wardheernews.com/wp-content/uploads/2013/10/sharif-168x300.jpg)
Xalay baan Sheekh Shariif C/nuur Shariif Xasan (Alle ha xafidee) ku booqannay gurigiisa oo ku yaal xaafadda Qasaala ee magaalada Maka Almukarrama.
Sheekha muuqaalkiisu wuu qurxoonaa, furfurnaan iyo farxadna way ka muuqatay. Intii muddo ah xusuusta dadka kuma fiicnayn oo dhowrkii qofba mid ama labo ayuu xusuusanayey laakiin Ilaahay fadligi wixii cilmi ah kama gadmanayaan. Haa oo hadalka xiriirka ah marar badan wuu dhibayaa.
Shariif Maxamed Shariif C/nuur oo isagu Sheekha la jooga, ayaa noo sheegay in xilliga qabowga ah caafimaadkiisu soo fiicnaado. Inta aan la fadhinay mar uu na waraysanayo ama wax la weydiinayo maahee masalooyin cilmi ah iyo xog diinta ku saabsan ayuu midba mar ka hadlayey. Waxaa ka mid ahaa xadiiskii bilaabashada waxyiga ee dheeraa oo uu afsoomaali ahaan noogu dulmaray. Waxaa yaab lahaa markaan usoo galnay inuu kitaabka Mukhtasar Al-bukhaari gacanta ku haystay. Waa dhaqankii qof kasta oo Shariif bartay uu ku yaqaanay inuu kitaab haysto mar kasta oo aad kula kulantid gurigiisa ama masjidka. Qof walba wuxuu ku barbaaro ayuu ku cirraystaa, sheekhuna maadaama uu cilmi akhrin iyo dacwo islaami ah cimrigiisa ku dhammeeyey kolkii jirro iyo da’ isugu darmatay miskaxdiisa iyo afkiisa cilimigii iyo dacwadii baa haysta.
Sheekhu wuxuu naga waraystay meelah aan ka nimid iyo sida muslimiintu ahaayeen, gaar ahaan dhinaca dacwada iyo barashada cilmiga. Si gaar ah wuxuu noo weydiiyey culumo ma idiin joogtaa, dugsi Qur’aanada, dagaalo muslimiinta u dhexeeya miyaa jira iwm. Annaguna waxaan ugu bishaaraynay in dalkii iyo dadkii khayr ku suganyihiin.
Intaa ka dib waxaa lagu yiri Sheekh noo dardaaran, wuxuuna soo jeediyey dardaaran aan qormo kale idiinku soo gudbin doono, haddii Alle idmo.
Gabagabadii booqashada muslimiintu diintay ka mid tahay gaar ahaan culumada iyo dadka khayrka ku gaboobay, waxayna ka mid tahay waxyaabaha ummadda isku xira oo isjeclaysiiya. Waxaa la gudboon waalidiinta iyo macallimiinta iyo culumada kutubta akhrida inay ilmohooda, ardaydooda iyo dadweynahaba ku xiraan culumada iyo dadka saalixiinta ah, si ay khayrka ugaga daydaan.
W.Q Axmed Cabdulle
Email: alwaqaar@hotmail.com
Leave a Reply