Booqashada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo gabi ahaanba loo xiray dhaqdhaqaaqii Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Booqashada wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si wayn looga dareemay magaalada Muqdisho. Waxaa gabi ahaan la hakiyay safarka dhanka diyaaradaha ee garoonka Adan Cadde, iyada oo la xirey wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Madaxweyne Geelle iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo oo maanta soo gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaa  si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde madaxweynaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isial Wasaaraha  Xukuumadda federaalka Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin sarsare.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaarey

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu xarriga ka jari doonaa xarunta Akademiyadda Afsoomaaliga AGA, taasi oo uu horey u dhagax dhigay waxaana sidoo kale uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiinta sarsare ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyey waxaana gebi ahaanba xiran wadooyinka magaalada waxa kaliya oo lagu arkayaa magaalada gawaarida ciidamada amaanka oo meelwalba gaafwareegaya iyo dad rayidka oo u lugeynaya goobahooda ganacsiga.

Xidhitaanka Garoonka Caalamiga iyo wadooyinka halbowlaha ee magaalada Muqdisho, ayaa ah culeys horleh iyo dhibaato soo foodsaartay ganacsatada iyo dadka rayid ah, oo horey u daashatay amni adarada ka jirta magaalada.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.