Boob cad oo lagu qaaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlmaanka DFS ee Koonfur Galbeeed

Boob cad oo lagu qaaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlmaanka DFS ee Koonfur Galbeeed

Baydabo (WDN)- Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddo xilleedkeedii oo ku aadan Bisha 15 May, 2026, uu hadda gabaabsi yahay, ayaa wada dadaallo xooggan oo ay ugu jirto sidii ay xukunka ugu sii negaan laheyd.

Hadaba in kasta oo dhacdooynka looga bartay siyaasiyiinta Soomaaliya, aanay hadda aheyn kuwo dadka fajac geliya, oo wax yaalo badan oo sharciga iyo damiirka badni’aadmka ka baxsan ay ku kacaan, haddana dhacdo dhawaan ku soo biirtay siyaasaddaha sharci darada, xoogga iyo is muquuninta ku dhisan ayaa dhawaan laga fuliyay Baydhabo, kadib markii ay gacan ku heynta magaalada la wareegen ciidamada Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh. 

Arinkan ayaa ku aadan Kursiga Baarlamaanka ee HOP204, oo si boob yo badheedh ah xildhibaanki ku fadhiyay Md. Isaaq Cali Subag, looga qaaday, iyada oo la siiyay Wasiir ka tirsan Golaha Xukuumada DF Cabdiqaadir Maxamed Nuur,  taasi oo dhawaan ka dhacay magalaada Baydhabo.

Xildhibaano faraban oo ka biyo’diidsan qaabka uu u hawlgalo iyo sida hoggaanka Baarlamaanka 11, ugu dhex milmay xukuumadda Xasan Sheekh, oo la baxay “ Baarlamaanka Xorta ah” ayaa soo saaray war saxafadeed ay kaga hadlayaan arinta. Warqadaasi oo soo gaadhay WardheerNews ayaa u qorneyd sida hoos ku xusan:

WardheerNews