Wednesday, May 08, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Beled-xaawo: Dhallinyaro mutaddawiciin ah oo si iskood ah u fulinaya ololaha keliya ee xakamaynta Karoona Fayrus

Cabdiwaaxid Xuseen Cusmaan oo guddoomiye u ah ololaha Midnimo wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay yihiin soddon qof oo ay ku jiraan hawl-wadeenno caafimaad, kuwaas oo maalin walba shan saac oo wacyi-gelin ah u gudbiya dadweynha, iyagoo mikorfoonno la wareegaya xaafadaha iyo goobaha dadku ku badan yihiin. Dhallinyaradan oo ay wehliyaan hawlwadeennada caafimaadka ayaa dadweynaha u sheega habraaca caalamiga ah iyo kan wasaaradda caafimaadka ee Dowladda federaalka Soomaaliya sida looga baahan yahay in qof  walba uu ka ilaaliyo naftiisa iyo tan bulshadaba faafitaanka Koroona Fayras.

”Markaan aragnay dadkanagii sida ay arrintaa qaafil ugaga jiraan, u moog yihiin khatarta uu leeyahay cudurkan, waxaan iskeen iskugu abaabulnay bal dadkii inuu garto in cudurkan cudur halisa yahay, aduunkana ku faafayo, dhallinyarada degmada Beledxaawo, ganacsatada, dhakhaatiirta wax soo bartay, dhallinyarada caadiga ah looma kala maqno dhammaan waan isku duubannahay” ayuu yiri Cabdiwaaxid

Kooxdan dhallinyarada ah ee Midnimo oo si iskood ah isu xil-qaamay ayaa ololahan bilaabay dhammaadkii bishii hore, xili magaaladan xadka ku taalla aysan ka soconin dadaallo arrintan la xiriira. Ololahan ku wajahan ka hortagga khatarta cudurka faafaya ee Korona ayay dadka ku nool Beledxaawo soo dhoweeyeen.

Cabdiwahab wuxuu kaloo Raadiyo Ergo u sheegay in ololaha ay qayb ka yihiin dhalinyaro ganacsato ah iyo dad kale oo leh ilo dakhli kuwaas oo taageero maaliyadeed ku biiriya ololahan waxayna suuqyada iyo goobaha kale ee lagu badan yahay ka sameeyeen 10 goobood oo lagu faraxasho.

”Intii uu ka suulayo ama ay bulshadannada bedqab noqonayso inaan wacyigalinta wadno, wixii kaloo haddii uu ilaah ku simo sida maamulka degmada iyo hay’adaha bahda caafimaadka iyo hay’adaha maxalliga waxay u diyaar goroobeen haddii uu cudurkan dillaaco goobo lagu karantiili lahaa sidii loo sameyn lahaa”

Ololaha midnimo ayaa si gaar ah xoogga u saaraya in farriintoodu gaarto dadka ka soo gudbaya dhinaca Kenya.

Magaalada Beled-xaawo ayaa ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya ee gobolka Gedo,  waxayna kaabiga ku haysaa magaalada dhinaca Kenya ku taal ee Mandheera halkaas oo wasaaradda caafimaadka Kenya ay xaqiijiyay in laga helay laba kiis oo Koroona Fayrus ah horraantii toddobaadkii hore. Dhinaca kale xanuunka ayaa goor hore oo bartamihii Maarso ah laga helay Soomaaliya sida ay xaqiijisay Wasaaradda caafimaadka federaalka. Xanuunka ayaa hadda laga helay 62 kiis oo u badan dad ku nool gudaha Muqdisho iyo kuwa ka yimi dibedda oo la karantiilay.

Dhallinyaradan ka sokow ma jiraan dadaallo kale oo ka baxsan oo ka socda Beled-xaawooo ay wadaan hay`adaha kale.

Axmed-Kaafi Ibraahim Isaaq isu-duwaha wasaaradda caafimaadka federaalka ee gobolka Gedo ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in ay wasaaradda ka  codsadeen daawo iyo agabka muhiimka u ah in loogu shaqeeyo dadka la karantiilo balse aysan weli helin. Agabka lagu cabbiro qandhada oo keliya oo ay bixisay WHO ayaa hawl-wadeennada caafimaadka ee gobolku ka hirgeliyeen magaalooyinka Luuq iyo Doolow oo iyagu dhinaca Itoobiya saaran. Isu-duwuhu wuxuu sheegay in dadaalladooda ay caqabad ku yihiin agabkii ay ku hawl-geli lahaayeen oo aysan haysan.

In kastoo ay dawladda Soomaaliya horey u mamnuucday qaadka ka imanayay Kenya iyo Itoobiyaba ayaa haddana magaalada xuduudda ku taal ee Beled-xaawo ay ka mid tahay meelaha uu sida joogtada ah u yimaaddo qaadka laga keeno Kenya oo lagu keeno si dhuumalaysi ah.

Dr. Colaad wuxuu ku baaqay in ay muhiim tahay in la helo hawl-wadeenno caafimaad oo ka hawl-gala xadka u furan dalalka Kenya iyo Itoobiya ee gobolka Gedo iyo goobihii dadka lagu karantiili lahaa, si loo xakameeyo khatar uu sheegay in ay ka soo fool leedahay isu-gudubka aan istaagin ee magaalooyin ka tirsan dalalka deriska ahi ay weli la leeyihiin Doolow iyo Beled-xaawo.

Waxaa xusid mudan in dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya uu mid walba mar goor sii horaysay go’aamiyay inuu xiray xuduudihiisa si loo yareeyo khatar faafidda oo xanuunkan oo inta badan gobolka Geeska Afrika laga helay bishii Maarso, misna go’aankaas uma muuqdo mid si wanaagsan uga dhaqan-galay xuduudaha dhulka.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.