Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay Khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya.
War kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in si deg deg ah Khilaafka loo dhammeeyo si loo ambaqaado howlaha horyaalla Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhowraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasillooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho si aanan dib udhab ugu iman hormarka Soomaaliya.
Hadalka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli uu xoogeystay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu gaaray in ciidamo la keeno xarunta Baarlamaanka.Somaaliya
Amniga iyo Taliska Booliska ayaa war ka soo saaray Ciidamada la wareegay xarunta Golaha Shacabka Ee Dowladda Somaaliya
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska ayaa sheegay in Ciidamo Boolis ah ay ku xoojiyeen ammaanka xarunta Golaha Shacabka, iyagoo beeniyay in Ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo Ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xasan Macalin Xuseen ayaa sheegay in ciiddamada la geeyay xarunta golaha shacabka ay yihiin kuwo suga amniga oo ka tirsan Booliska, isla markaana uu ahaa amar ka yimid Wasaaradda
Taliyaha Ciiddanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir ayaa sheegay in sababta ciiddamada loo geeyay ay tahay xaqiijinta amniga Xarunta, si aanay xarunta uga dhicin fowdo, maadaama ay jirto xiisad siyaasadeed sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska aanay aheyn ciiddamo qolo gaar u adeegaya, balse ay yihiin ciidan nidaam iyo aqlaaqa leh
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in ciidamo uu u diray ay la wareegeen xarunta, isla markaana wixii ka dhaca uu mas’uul ka yahay.
Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa magaalada Muqdisho geliyay xaalado cusub oo aan horay looga baran, waana markii u horreysay oo la arko Mooshin iyo ciiddan isla socda.
Foos Cali Cabdiraxmaan
WardheerNews, Kismaayo.
Leave a Reply