Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Beddelka Dhuxusha Dhirtu waa Shooladaha Gaasta (kerosene stoves)

W.Q. Maxamuud C/llahi Axmed

Warqaddani uma ay qalin qaadan inay ka hadasho faa’iidada weyn ee qiimo loo dhigaa jirin ee ay leeyihiin dhirta iyo deegaanku. Waxay toos u gudagelaysaa is-barbardhigga dhuxusha dhirta iyo ilaha kale ee tamarta laga helo sida korontada, dhuxul-dhagaxda iwm. Warqaddani waxay qabtaa in shooladaha gaastu (kersone stoves) beddeli karaan dhuxusha dhirta; waa haddii reer magaalku sidaa isla garto. Tallaabadaas oo loo hawlgalaana badbaadin karto miyiga iyo xoolo-dhaqatadaba. Akhriste intaad qoraalkan akhriyeyso, erayga dhuxusha, haddii aan la cayimin, waxa looga jeedaa dhuxasha dhirta laga soo shido.

Sannadkii 1989kii waxaa dawladda Ingiriiska haya’deeda ODA ay maalgelisay deraasad ku saabsan xal-u-helista dhibaatada tamarta ee magaalooyinka Soomaaliya, gaar ahaan lafagurka bediilka (alternative) dhuxusha-dhirta ee tamarta u ah dhammaan magaalooyinka. Deraasaddaas waxaa sameeyey ETC (UK) Consultants for Development and Planning. Warbixintii ay soo saareen waxay ku lafagureen kaalinta laxaadka leh ee dhuxusha laga shido dhirtu ay kaga jirto tamarta lagu isticmaalo magaalooyinka, gaar ahaan wax-karinta.

Deraasaddaas weli waa mid waqtigeedu joogo oo ku dabaqan waayaha maanta, kol haddii ilaa maanta dhuxushu tahay isha tamarta ee ay dadka magaalooyinka Soomaalidu wax ku karsadaan.

Tamarta ugu badan ee dalalka Afrika, badi Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa, waxaa isticmaala qoysaska iyagoo ka dhaliya dhuxul laga soo shiday dhirta. Waxaa kale oo dhuxusha lagu isticmaalaa makhaaxiyaha iyo goobaha laga cunteeyo (restaurants) ee magaalooyinka dalka oo dhan.

Muqdisho oo tirada dadka ku nool lagu qiyaasay xilligaas 1 milyan, dhuxusha lagu quuto sannadkii waxay deraasaddaasi ku qiyaastay 155,000 tonne. Hargeysa oo maanta lagu qiyaasay tirada dadka ku nool 700,000; waxa lagu shitaa bay noqonaysaa 110,000 tonne oo dhuxul ah. Fadlan, akhriste, bal indhaha isku yar qabo oo malee inta geed ee ay tahay in la soo jaro si looga haqabtiro dhuxusha magaalooyinkaas. Waa arrin xil ka saaran yahay masuuliyiinta, gaar ahaan maamulka magaalooyinka waa-weyn, sida xarumaha maamul goboleedyada.

Sidaa darteed waxa waajib ah in la helo qorshe (policy) ku aaddan dhuxusha, lana fahmo suuqa tamarta (dhuxul, kerosene, koronto, neefta haamaha(LPG) iwm) ee Soomaaliya sida uu u shaqeeyo iyo isirrada (factors) saamaynta ku leh suuqaas. Bal aan qaarkood kaga yara falanqoodo halkan:

  1. Korontada: sida laga warqabo korontada (electricity) hadda jirtaa magaalooyinka xataa kuma wada filna. Teeda kale in guri walba koronto ku jirtaa, isla markaana yeeshaa qalabka korontada ee wax-lagu kariyo waa mid aan suuragal ahayn mustaqbalka aynu malayn karno (foreseeable future). Ma lahayo maalgelinta xaddigaa leh ee magaalooyinka u suuragelin kara in guri kasta loo helo koronto wax lagu ifsado, waxna lagu karsado. Waxaa intaa weheliya ma jirto si ay qoysaska danyarta ahi – waa shacabka intiisa badane – u soo xidhan karaan koronto ama isaga bixin karaan qiimaha korontada wax-lagu karsado. Qaarkood qalabka korontada ku shaqeeya ee wax-lagu karsado ma awoodi karaan inay soo gataan/iibsadan.
  1. LPG (Liquefied- Petroleum Gas): oo ah neefta haamaha lagu qaato, iyana waynu ognahay inaysan Soomaaliya lahayn warshad safaysa saliidda caydhin ee batroolka. Sidoo kale ma laha haamo lagu kaydin karo neefta LPG, mana jiraan tas-hiilaadka (facilities) lagu qaybiyo neeftaas. Sidaa darteed LPG ma aha waddo lagaga bixi karo dhuxusha.
  1. Dhuxul-dhagaxda: iyadu way noqon kartaa bediilka (alternative-ka) dhuxusha dhirta, laakiin su’aashu waa: waddankeena ma laga helaa, haddii laga helana ma la soo qodi karaa? Jawaabta su’aasha hore waa haa, jawaabta ta dambena waa maya. Dhuxul-dhagaxda lagu sheegay gobollada waqooyi weli waxay u baahan tahay deraasad iyo baadhis (expolartion) dheer oo lagu ogaanayo xaddigeeda (amount), tayadeeda, iyo inay ganacsi-gal tahay iyo in kale.  Sidaa darteed iyana ma aha waddo lagaga bixi karo dhuxusha-dhirta.
  1. Dhuxusha dhirta oo la sii wadaa ma tahay waddo furan? Su’aashu waa maya. Dhirtoo dhammaataa, hadday wax sii hadheenba, waxay leedahay cawaaqib xumo: biyo iyo baad la’aan. Ilaah baan ka magansanay.

Waxaanay warqaddani is-barbardhigga kore aysan ku soo darin tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo qorraxda, kol haddii aan qoysaska, ganacsatada  iyo dal-kuba haysan tas-hiilaadkii iyo qalabkii suuragalinayey dhalinta iyo qaybinta tamarahaas iyaga ah. Waxay ila noqotay in aan ka saaro lafagurkan.

Maxaa xal ah? Xalku wuxuu ka bilaabmayaa in la isla garto bediilka dhuxusha-dhirta, sida ay ku talo-bixisay deraasadaasi, oo ah: in la isticmaalo SHOOLADAHA GAASTA (kerosene stoves). Ogow in aanay ahayn wax inagu cusub: xeryaha qaxootiga ee dadkeena u qaxeen waa lagu isticmaalayey. Magaalooyinka Djibouti iyo Dire-Dawa aad baa loogu isticmaalaa.

GAASTA (kerosene), waa ta imikaba lagu shito faanuusta/feynuusta, waxay leedahay suuq suuragaliyey in gaastu gaadho xaafad iyo tuulo kasta. Waxaa soo dejiya, siday ila tahay, ma hubee, shirkadaha petrol-ka iyo naaftada keena. Dabeetanna waxaa loo qaybiyaa bakhaarada/kaalmaha; oo iyana u sii qaybiya dukaamada sii tafaariiqeeya. 

Sawirkaas, ama mid kale oo u dhigma, ayaa lagala soo dhex-bixi karaa in soo-dejinta (importation) iyo qaybintu gaastu (kerosene) tahay mid soo-jireen ah oo gaamurtay, la iskuna halayn-karo.

Galdaloolada muuqata, lana sii malo-awaali karo, ayaa ah in waddanku heli karo iyo in kale lacagta adag ee lagu soo waaridayo qaddarka intaa le’g ee gaasta (kerosene) ah ee loo baahan yahay. Laakiin waxaad taas ku ilowdaa in badbaadinta dhirta, baadka iyo biyaha qiimo loo dhigaa jirin.

Isla fahamka arrinkaa kore ka dib, waxaa xigi sidii dalka looga hirgelin lahaa shooladaha gaasta (kerosene stoves). Waxay warqaaddani maamulada magaalooyinka waa-weyn ee waddanka u soo jeedinaysaa raacista wejiga kowaad ee hirgelinta isticmaalka shooladaha gaasta, waxayna leedahay:

  1. In maamulada magaalooyinka waa-weyn, sida xarumaha maamul-goboleeyadu, magacaabaan guddida tamarta (energy commission) kana kooban ganacstada shidaalka, wasaaradda daaqa & miyiga, shirkadaha dhuxusha, wasaaradda ganacsiga iyo kuwo kale; isla markaana duqa magaaladu guddoomiye ka noqdo.
  2. In la isku raaco hiigsiga muddada la rabo in magaalada laga  joojiyo iscticmaalka dhuxusha; sidoo kalena dalka intiisa kale, iyadoo lala kaashanayo dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
  3. Marka xigta waa in la isla garto inta heer (number of stages) ee ay tahay inaan marno si ujeedadaa kore loo gaaro.
  4. Marka xigta dalka la keeno shoolado jaban. Dalka shiinaha waxaa laga soo heli karaa shoolado wax-karinta oo aad u qiimo jaban.
  5. Marka xigtana, in cashuur , aad iyo aad loo dalacay, laga qaado shirkadaha dhuxul shidayaasha; dhuxulna la shidi karin ruqsad (license) la’aan. Ujeedadu waa in dhuxusha la qiimo noqotaa ama ka saraysaa gaasta.
  6. Lagu baraarujiyo dadweynaha faa’idada shooladaha gaasta wax lagu karsado.
  7. Dabeetana maamulka magaaladu  soo saaro sharci hoosaad (bye-law) ka maanacaya goobaha laga ciuteeyo (restaurants0 iyo makhaaxiyaha inay dhuxul-dhireed wax-ku-kariyaan.

Wejiga labaad waa in talaabooyin kuwo kore la mid ah raacaan magaalooyinka kale ee waddanku. Wejiga saddexaadna waa suuragelinta in shooladaha lagu sameeyo dalka gudihiisa, lana soo saaro xeer qaran oo ka maanacaya in dhuxul la soo geliyo magaalooyinka dalka.

Warqaddani way ka gaabsatay inay wax ka tidhaa dhoofinta dhuxusha, waayo waa arrin ka baxsan mowduuca warqaddan.

Markan kubbadda waxaan u soo laaday dhanka maamulada magaalooyinka waa-weyn. Fadlan ka tali aayaha dalka, mustaqbalka ubadka. Ilaah ha idinku garab-galee. Aamiin.

Wa Bilaahi towfiiq

Maxamuud C/llahi Axmed

Email: [email protected]

References:

Dr Soussan, John (April 1990) Final Report on Alternative Energy Sources for Urban Areas, ETC (UK) Consultants for Development and Planning.

Geology and coal potential of Somaliland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.