Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baydhabo: Xoogsatada Muruqmaalka ah oo shaqo la’aan soo wajahday

Kayd/Ergo

Xoogsato muruqmaal ah oo ku tiirsanayd shaqooyinka dhismaha ayaa waxaa la soo gudboonaatay shaqo-la`aan keentay iney waayaan wixii ay ku maarayn lahaayeen noloshooda iyo kan qoysaskooda.

Dadkan oo ku nool magaalada Baydhabo ayaa afartii bilood ee u danbeysey ayaanan qaban wax shaqo ah, taasoo keentay cudurka Koroonaha.
Maxamed Cabdi Ibraahin waa 37 jir mas`uul ka ah qoys ka kooban shan qof , wuxuuna mudo ka badan toban sano kamid ahaa dadka ka xoogsada dhismayaasha, wuxuuna ka mid yahay dadka ay saamaysay dhibaatadaas.

Maxamed wuxuu ka wlaacsan yahay inuu ku fillaan waayey maaraynta nolosha qoyskiisa oo sababtay in saddex guri laga saaro mudo kooban gudahood isagoo iska bixin waayay kirada awgeed.

“Waligeyba shaqo middan aheyn ma aanan ku shaqeysan, carruurteyda waxbarashadooda, dugsigooda iyo nolosha qoyska ayaan ka maareynayey oo ay u dheer tahay kiradii guriga,” ayuu Maxamed yiri.

Maxamed Cabdi Ibraahin ayaa sheegey in markii ugu horreysey ay tahay shaqada dhismaha guriyaha oo hakad gasha Koroon Fayris dartii, wuxuuna sheegay inuu ka walaacsan yahay goorta laga bixi doono arrintan.

“Subax kasta waxaan ku soo toosnaa annagoo leh culeyskan shaqo la’aanta goormad ka baxeysaan, waa ciqaab adigoo xooggii ku shaqeysaneysey heyso oo haddana waxba qaban karin,” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed.

Cabdiraxmaan Macalin Cabdi waa aabbe leh qoys ka kooban sagaal ruux, wuxuu kamid ahaa boqolaalka qof ee ku shaqaysta hawlaha dhismayaasha guriyaha, Xaaladdan hadda taagan ka hor wuxuu ahaa qof maalintii celcelis ahaan shaqaysta lacag dhan 15 doolar, reerkiisana qurac, qado iyo cashaba cuni jireen.

“Ma laheyn adigoo xooggan leh, caafimaad qaba ayaad qadeysaan oo dabkiinna damaa, waa caqabadii ugu weyneyd aan dareemo nolosheyda, waligey kuma fakarin kaararka hay’adaha bixiyaan in aan helo,” wuxuu intaas sii raaciyay Cabdiraxmaan isagoo rajo xumi muujinaya,” ..haddii xaaladdu sidan sii ahaato ma ogi wax dhici doona aad baan uga welwel sanahay meesha aan cunto ka heli doono,”

Haweenka danyarta ee ku nool magaalada Baydhabo waxay ahaayeen kuwo ugu badan oo reeraha noloshooda maareyntooda gacanta ku hayay, islamarkaana mararka qaar qabanayay shaqooyin ay haweenka ku adag tahay iney qabtaan.

Anbiya Cabdi Isxaaq muddo lix sano ah waxay ku shaqayn jirtey oo ay nolol maalmeedka reerka ku raadin jirtey jajabinta dhagxaanta jayga, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa waddooyinka lagu dhiso ama kuwa guryaha lagu dhiso.

Sida haysata shaqaalaha kale ee dhismaha ayay Anbiyo iyo odaygeeduba ay ku dhacday shaqo la`aantaas Koroona dsababay, waxayna noqdeen kuwo jooga labadooduba guriga.
“Cudurkan inta uu yimid carruurta sasab ayaan ku seexinnaa, iyagoo gaajo la ooynaayo, markasaa subaxdii shah loo saarayaa, haddana ka fikir habeenki wax la siin karo lagu sababo, marxaladdan Alle ha naga bixiyo wax aan fileyney ma aheyn,” ayay tiri Anbiya.
Xaaladdaas adag ee shaqo la`aanta ma haysato oo keliya xoogsatada dhismaha, waxaase jira haweenka ka shaqeeya hawlaha guryha sida dhar-dhaqidda ama nadaafadda kuwaasoo iyaguna uu haysto xaalad la mid ah xaaladahaas uu keenay Koronaha.

Xabiibo Isxaaq Aadan oo qoys ballaaran ah oo ka kooban ilaa toddobo ruux oo ay ku jirto hooyadeed waxay ka mid tahay haweenka shaqooyinkooda uu saameeyay Korona Fayris, waxayna wayday dadkii macaamiisheeda ahaa oo ay dharka u soo dhaqi jirtay toddobaadkiiba saddex jeer, haddase way ka joogsatay. Xabiibo waxay ku xisaabtami jirtay maalintiiba shan ilaa siddeed doollar oo ay ku maarayn jirtay qoyskeeda.

“Awalkii hore waxan ahaa qof shaqaysta, dhowaanahan ma shaqeyn, ma jiraan wax nolol ah oo aan heysanno, carruurta waa lafo iyo maqaar, tabartii ma jirto iyo xooggii, waayo wax la cuno waa la rabaa, haddana wax lagu soo iibiyo ma heysanno,” ayay tiri Xabiibo.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.