Baydhabo oo Dagaal Kooban Ka Dib Degtay, Xilli Xiisadda Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Sii Kordhayso

Baydhabo oo Dagaal Kooban Ka Dib Degtay, Xilli Xiisadda Siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Sii Kordhayso

Baydhabo (WDN) – Magaalada Baydhabo ayaa dib ugu soo laabatay deganaansho kaddib dagaal culus oo saaka aroortii ka qarxay gudaha magaalada, kaas oo dhex maray ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan xarunta gobolka Baay.

Dagaalka oo socday in ka badan hal saac ayaa ka dhacay qaybo kala duwan oo magaalada ah, iyadoo rasaas xooggan iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan laga dareemay xaafado badan. Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo gudaha Baydhabo ah, ciidamada taageersan Laftagareen ayaa markii dambe dib uga baxay magaalada, taasoo keentay in xaaladdu si tartiib tartiib ah ugu soo noqoto degganaansho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ka gadaal dagaalka Baydahbo, si degdeg ku jiro ay Dowlaadda Federaalka ay durbadiiba la dhaariyay Xildhabaano Koonfur Galbeed. Qorshahaasi oo ay la dhaariyay xildhabaanadii Koonfur Galbeed.

Dowladda Federaalka oo Sheegatay Gacanta Ku Haynta Baydhabo

Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in xaaladda amni ee Baydhabo ay tahay mid deggan, isla markaana ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada. Taliyaha Booliiska Gobolka Baay, Gaashaanle Sare Sadiiq Doodishe, ayaa warbaahinta u sheegay in kooxo uu ku tilmaamay “falaago hubeysan” ay weerar ku soo qaadeen magaalada aroornimadii hore, balse ciidamada dowladda ay si degdeg ah uga hortageen weerarkaasi.

“Ciidamada ammaanku waxay si guul leh u fashiliyeen weerarkii lagu soo qaaday Baydhabo, waxaana hadda socda gurmadka dhaawacyada iyo qaadista meydadka kooxihii weerarka soo qaaday,” ayuu yiri taliyuhu. Dhanka kale, afhayeenkii hore ee maamulka Cabdicasiis Laftagareen, Ugaas Xasan Cabdi, ayaa sheegay in ciidamada daacadda u ah hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed ay guulo ka gaareen howlgalka ay ka fuliyeen Baydhabo.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ay saaka aroortii hore ka fuliyeen magaalada howlgal amni oo uu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga, laguna sugayo xasilloonida deegaannada maamulka. “Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed waxay sii wadi doonaan waajibaadkooda ku aaddan difaaca shacabka, ilaalinta amniga iyo xaqiijinta nabad waarta,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Dagaalka oo Ku Soo Beegmay Dhaarinta Baarlamaanka Cusub

Iska horimaadkan ayaa ku soo aaday xilli maanta lagu waday in Baydhabo lagu dhaariyo xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku soo baxay doorashadii dhowaan lagu qabtay magaalada.

Arrintan ayaa sii xoojisay shakiga laga qabo in dagaalku uu la xiriiro muranka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed iyo loollanka ka dhashay hannaanka awood-qaybsiga iyo maamulka gobolka. Inkasta oo saacado kooban ay Baydhabo martigelisay dagaal iyo cabsi amni, haddana wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in xaaladdu deggen tahay, isla markaana dib u bilowdeen isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Ganacsiyada ayaa dib loo furay, halka ciidamada ammaankuna ay xoojiyeen feejignaanta si looga hortago isku dhac kale oo magaalada ka dhaca. Dagaalka saaka ka dhacay Baydhabo wuxuu mar kale iftiimiyay heerka sare ee xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan Koonfur Galbeed, taasoo weli khatar ku ah xasilloonida maamulka iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee gobolka.

WardheerNews