Wednesday, May 15, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

BAYAANKA LAASCAANOOD

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaaliya.
Og: Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
Og: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.
 Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU).
Og: Xoghayaha Guud ee Ururka Jamacadda Carabta.
Og: Dawladaha Xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD.
Og: Safaaradaha Shisheeye ee ku sugan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

BAYAANKA LAASCAANOOD
Febraayo 5, 2023

Sida bulshada soomaaliyeed iyo Beesha Caalmkuba la socdeen, waxaa 15kii sannadood ee la soo dhaafey ka jirey deegaannada SSC-khatumo dhibaatooyin badan oo ka dhashey joogitaanka sharci-darrada ah ee maamulka Somaliland. Arrintaas oo keentey kacdoonka shacabka ee ku caan baxey “Kacdoonka Buluugga ah” ee ay dadku ku diidan yihiin in lagu khasbo gooni-goosad aysan dooneyn, xasuuq isir safeyn ah, shirqoollo lagu beegsanayo haldoorka deegaanka, la dagaalannka iyo curyaaminta dhaqaalaha deegaanka, ilaa la gaadhsiiyey heer hay’adaha caalamiga ah laga hor-joogsado degaannada SSCkhatumo.

Intaas waxaa dheer xadhiga, jidh-dilka, iyo cabudhinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada SSC-khatumo ee aan ogoleyn kala goynta dalka. Sababtaa darteed, waxaa magaalada Laascanood 28-01-2023 – 5-02-2023 shirweyne ay aayahooda uga tashanayaan isugu yimi dhammaan isimada, cuqaasha, culimada, aqoonyahanka, haweenka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee 2 bulshada. Wada-hadal, wada-tashi iyo falanqayn qoto dheer ka bacdi, waxaa ka soo baxay go’aamadan hoos ku xusan.

1. Waxaan caddaynaynaa in annaan sinaba uga mid ahayn Somaliland, wax heshiis ahna anaan kula galin kala go’aynta dalka Soomaaliya.

2. Degaannada SSC-Khatumo dad iyo dalba waxay ka mid yihiin dhulwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Somaaliya, waana astaan u taagan midnimada iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed.

3. Shir-waynaha beelaha SSC-khatumo wuxuu caddaynayaa in deegaannada SSCKhatumo lagu dhaqayo xeerarka iyo dastuurka Jamuuriyadda Federalka Soomaaliya.

4. Tan iyo inta la dhamaystirayo aayo-ka-tashiga deegaannada SSC-Khatumo si waafaqsan qodobka 49aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shirweynuhu wuxuu go’aansaday in deegaannada SSC-Khatumo toos u hoos tagto dawladda Federaalka si waafaqsan qodobka 48aad faqradiisa 2aad ee dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5. Waxaan caddaynaynaa in aanaan ahayn argagixiso, degaankayagana aanay joogin argagixiso, balse aannu nahay dadkii degaanka lahaa oo ay Somaliland si gardarra ah ugu soo duushay, isala markaana waxannu ballan qaadaynaa sugidda nabadgalyada degaankayaga. Sidoo kale waxaanu is kaashi buuxa oo amni la yeelanaynaa maamullada iyo deegaannada dariska ah.

 6. Dadkii lagu laayay muddadii 15 sano ahayd ee maamulka Somaliland ka talinayey degaannada SSC-Khatumo, waxaanu u aqoon sanahay in uu ahaa xasuuq isir ku salaysan, waxaana masuul ka ah maamulka Somaliland, isla markaana waxaan caddaynaynaa in dilalkii qorshaysnaa ay la bilaabmeen imaatinkii Somaliland.

BAAQ

A. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa maamulka beelaysan ee la magac baxay Somaliland in ay xushmayso rabitaanka iyo go’aannada dadka degaanka SSCKhatumo ee ku salaysan nabadda iyo daris wanaagga, ayna kala baxdo ciidamadeeda ku sugan degaannada SSC-khatumo si shuruud la’aan ah.

B. Waxaanu ugu baaqaynaa isimada, culimada, cuqaassha iyo dhammaan wax garadka reer Sheikh Isaxaaq in ay ka qayb qaataan sidii ay uga bixi lahaayeen ciidamada Somaliland deegaankayaga, loogana baaqsan lahaa colaad iyo cadaawad dabadheeraata, oo saamaysa dadka walaalaha ah ee deriska ah.

Halkan ka akhri- Bayaanka Laascaanood oo dhan

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.