Saturday, July 24, 2021
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Baroortu Orgiga ka weyn!

W/Q Qore: Ruqiyo Aw-Maxamed Faarax

Maxaa muranka iyo khilaafka ka dhaliyay in gudniinka gabdhaha la joojiyo? Maxaase gudaha gabdhaha loogu mashquulsanyahay?

Waxaa degaannada Puntland maalmahan ka socda khilaaf iyo colaad hawada la isku marinayo oo ka dhashay go’aan ay dawladda Punland dhawaan ka soo saartay gudniinka gabdhaha. Khilaafkan oo ay horboodayaan rag ka tirsan culumada iyo odey dhaqameedyada degaanka qaar ka mid ah.

Marka u horreysa bal aynnu is-weydiiyo: arrintani yay khusaysaa? Cidda la gudo oo dhibaatada gudniinku ku dhacaysaa waa gabdhaha yaryar. Go’aanka gabdhaha lagu gudo wuxuu ka yimaaddaa hooyooyinka dhalay oo iyagaba horay loo soo guday. Cidda gabdhaha guddana waa dumar. Haddaba, xaggee raggu arrintan ka soo galaa? Su’aasha kale waxaa weeye: Yaa ragga u xilsaaray inay gudaha gabdhaha booliis ka noqdaan?

Ujeeddada qoraalkaygu ma aha inaan halkan si ballaaran uga hadlo taariikhda gudniinka, diintu waxay ka qabto, waxyeellada iyo saameynta uu dumarka iyo gabdhaha yaryar ku leeyahay. Waxaan filayaa inay jiraan daraas cilmiyeed iyo baaritaanno badan oo arrintan la xiriira. Waxaa kale oo jira ururo caalami iyo maxalliba ah iyo dad u ol’oleeya sidii arrintan looga wacyi-gelin lahaa bulshooyinka ku dhaqma, lana wajaho waxna laga qabto si dunida looga cirib-tiro.

Haddaba, qoraalkaygu wuxuu gaar ahaan ku saabsanyahay muranka iyo khilaafaadka ka socda Puntland ka dib markii ay dawladdu dhawaan soo saartay xeer lagu joojinayo gudniinka gabdhaha iyo sida wax ku oolka ah ee ay aniga ila tahay in gudniinka lagu joojin karo. Go’aanka ay dawladda Puntland gaartay ma aha mid ku cusub degaannada Soomaalidu ku nooshahay. Dawladda Federaalka Soomaliya waxay gudniinka dumarka in la joojiyo ku dhawaaqday 2012 in kasta oo aysan weli sharci noqon. Sidoo kale, maamulka Somaliland ayaa horay u ballan qaaday inay joojinayaan gudniinka laakiin aan weli ku guuleysan inay sharci ka soo saaraan.

Waxaan filayaa in degaannada Puntland arrintan horay dadweynaha loogu soo bandhigay lagana wada xaajooday iyada oo ururrada haweenka, odey dhaqameedyada, culumada, dhallinyarada iyo maamulkuba ay u dhanyihiin. Waxay iila muuqataa in dawladda Puntland ee hadda jirtaa ay ku dhiirratay inay arrintaas go’aan ka gaarto lana soo afjaro.

Maxay diinta Islaamku ka qabtaa gudniinka gabdhaha?

Aniga oo aan ku dheeraanayn, marka kowaad, waxaa dhammaan la isku raacsanyahay inaysan jirin aayad quraan oo arrintan gudniinka gabdhaha dadka faraysa ama ka reebaysa. Taas oo muujinaysa inay arrintani tahay wax kitaabka quraanka ka baxsan. Marka labaad, waxaa la soo wariyaa inay jiraan xaddiisyo gudniinka lagu xusay oo aan la isku waafaqsanayn. Waxaa kale oo la soo wariyaa inay jirto qisada haweenay Nabiga (CSW) ugu timid inay kala tashato gudniinka gabdhaha oo ay sameyn jirtay. Waxaa la warinayaa inuu Nabigu (CSW) kula taliyay haweenayda inay u khayr roontahay inay iska dayso oo aysan sameyn laakiin haddii aysan dayn karin ay sida ugu fufud oo aan waxyeello lahayn u samayso.

Marka xaddiista laga hadlayo, muhiimaddoodu waxaa weeye in lagu daydo oo la raaco dhaqankii ama sidii habboonayd ee Nabiga (CSW), asxaabtiisii, xaasaskoodii iyo gabdhahoodii u dhaqmi jireen. Haddaba waxaa is-weydiin leh, weli ma la hayaa meel dumarkii Islaamka ee xilligaas, xaasaskii iyo gabdhihii Nabiga (CSW) iyo asxaabtii kale dhaleen mid la guday si loogu daydo? Caqligu wuxuu haddaba inoo sheegayaa inuusan gudniinka gabdhuhu ahayn wax diinta Islaamka iyo Nabigeennii suubanaa midkoodna inoo jiheeyeen ama ina fareen inaynnu sameyno.

Xagga dhaqammada kala duwan marka la eego, waxaa hubaal ah in dhaqan kastaa oo dunida ka jira uu leeyahay qaybo aan loo baahnayn ama waxyeellooyin bulshada u geysta. Haddaba waxaa ummadda Soomaaliyeed la gudboon inay caaddooyinka soo-jireenka ah ee waxyeellooyinka leh garowsadaan, sida gudniinka gabdhaha lana joojiyo iyada oo aan laga eegayn faragelin shisheeye iyo diin la dirir toonna.

Midda kale, iyada oo la tixgalinayo diimaha iyo dhaqammada kala duwan ayaa waxaa dunida laga middeysanyahay dhowrista xuquuqda qofka bani’aadamka ah ee ilaahay siiyay (lab iyo dheddig, yar iyo weyn, mid naafo ah iyo midkaan ahaynba) iyo inaan lagu tuman xuquuqda dadka bulshada ugu awoodda/tabarta yar oo carruurta, dumarka, gabdhaha iyo dadka naafada ahi ka mid yihiin. Nasiib-darro, dadka Soomaalida ah badankoodu weli uma bislaan inay xuquuqda dadkaas fahmaan ayna weli rabaan in loo noolaado hababkii xilligii jaahiliyada (the age of ignorance).

Su’aasha kale waxaayee haddii gudniinku yahay wax diinta Islaamka iyo xaddiistu dadka farayaan, Maxay dalalka kale ee dunida Islaamku gabdhaha u gudi waayeen? Ma Soomaalida kaliya baa Muslin ah? Waxaa la rumeysanyahay in gudniinka dumarku ka soo jeedo Faraaciintii Masaarida. Dalka Masar ayaa dhammaan gudniinka noocyadiisa oo dhan laga mamnuucay oo uu sharci darro ka yahay ilaa iyo sanadkii 2007.

Haddaba  danta iyo horumarka bulshadu waxay ku jiraan inaan is-qab-qabsi siyaasaddeed iyo iska hor-imaadyo arrintan laga abuurin balse waxa ay tahay loo arko. Waxa ay tahayna waxaa weeye tacaddiyo gabdhaha yaryar oo aan awoodda iyo codka toonna lahayn loo geysanayo. Waa lagama maarmaan in maamullada/dawladuhu  sharciyo ka soo saaraan joojinta gudniinka gabdhaha. Laakiin arrintani waxay u baahantahay in xag wacyi-gelin iyo waxbarasho laga wajaho si loo gaaro hadafka laga leeyahay ee ah inay dadku fahmaan dhibaatooyinka gabdhaha ka soo gaara gudniinka iyo inuu yahay caado waxyeellooyin mooyaane aan wax faa’iido ah bulshada u lahayn. Xag siyaasad, xag diimeed iyo xag dhaqanba, waxa ugu weyn ee dadka lagaga faa’iideystaa waa jahliga. Haddaba, WAXBARASHO,AQOON, WAXBARASHO!!!

 Ururrada iyo dumarka u ololeeya arrimahan dibad iyo gudaba waxaa la gudboon inay arrintan danaha shakhsiga ah ka saaraan. Waxaa la ogyahay inay jiraan shakhsiyaad ka raadiya magac iyo dheefo u ol’oleynta joojinta gudniinka gabdhaha Soomaaliyeed. Waxaa loo arkaa inaysan dadkaasi si hufan oo daacad ah u wajihin arrintan, bulshadoodana ugu soo bandhigin laakiin ay inta badan isku koobaan shirarka caalamiga ah iyo inay ajaaniib u warramaan iyagoo wax jira iyo waxaan jirinba ku dara. Taasina waxay ka mid tahay waxyaalaha keenaya shakiga, dareenka cambaareyn iyo inay dadku ka horyimaaddaan joojinta gudniinka gabdhaha.

Gaar ahaan, waxaan jeclaan lahaa in arrintan laga abbaaro wacyi-gelinta iyo waxbarashada hooyooyinka Soomaaliyeed iyo fahamka bulshada  guud oo raggu ka mid yihiin si caadadan xun loo joojiyo. Kaddibna markii hooyooyinku go’aan ku gaaraan inaysan gudin gabdhahooda waxaa macaamiil waayaya dumarka ku shaqaysta inay gabdhaha gudaan. Waxaa kale oo aan ku baaqi lahaa in dumarka gabdhaha guda iyagana dadaallada wacyi-gelinta iyo waxbarashada la gaarsiiyo. Ka dibna, lala socodsiiyo in gudniinka gabdhuhu fal dambiyeed yahay. Waxaa kale oo aan soo jeedin lahaa in dumarkaas shaqooyin kale loo abuuro haddii noloshoodu ku xirantahay gudniinka gabdhaha si ay u joojiyaan falkan.

Haddaba iyada oo aan arrintan la siyaasaddeyn, khilaafna bulshada dhexdeeda laga abuurin, waxay joojinta gudniinku ku fududdahay in la isla helo hooyooyinka Soomaaliyeed oo go’aansada inaysan gabdhahooda gudin, dumarka  gabdhaha guda oo falkan joojiya iyo dhallinyarada/wiilasha Soomaaliyeed oo garaadkoodu kor u kaco. Culumada iyo odey dhaqameedyadu markaa maxay sameyn? Yaase markaa gabdhaha gudi doona? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “BAROORTU ORGIGA KA WEYN” Muranka iyo muruq muujinta ka imanaya culumada iyo odey dhaqameedyada qaarkood waa wax ka weyn gudniinka gabdhaha- TARTAN AWOODEED!!! Waana in laga gudbo in shacabka af-duub lagu haysto.

Ruqiyo Aw-Maxamed Faara


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2021 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.