W/Q Mustafe A. Xandule
Maah-maah Soomaaliyeed ayaa ah “Geeridu nin aadan aqoon iyo Geeljiray ku roontahay.” taas oo ujeedadeedu tahay, waa arin aad u adag inaad maqasho ama ka samirto qof aad taqaanay geeridiisa. Anigu shaqsi ahaan ma aqoonin marxuum C/Risaaq X. Xuseen balse taariikhdiisu waa marag madoonto meel kasta laga dheegan karo. Waxaanse anigu ka marqaati ka ahay halkuu ka taagnaa qadiyada iyo qaranimadda Soomaaliyeed iyo siduu uga xumaa burburkeeda.
Sidii uu Md Faysal Rooble sheegay “Oh! Somalis, please don’t cry for AbdiRazak! Rather you shall cry for you, for your children and for your grandchildren”. Oo micnaheedu yahay “Warhooy! Soomaaliyeey, fadlan ha u barooranina Mudane Cabdirisaaq, ee u baroorta naftiina, ubadkiina iyo ubadkooda danbe.” Waana nuxurka maqaalkani xambaarsan yahay, isagoo ayidaya hadalkaas Md. Faysal Rooble.
Aniga maqaalkan kooban waxaan rabaa inaan ku cadeeyo, inay baroordiiqdani aysan ahayn kaliya Md. marxuum Cabdirisaaq Alle naxariistii jano ha siiyee, ee ay tahay u baroordiiq qaranimadii Soomaaliyeed ee uu Md Murxuum Cabdirisaaq hormuudka u ahaa ilaa iyo maalintii uu geeriyooday. Dhibaatadan gumaartay, gumoowday nagu raagtay, hadaanu Soomaali nahay ilaa muddo hada laga joogo 25 sannadood hadaysan ka badnaynba.
Hadaba waxaan rabaa Insha Allah, inaan halkan kusoo gudbiyo cabir aan ku cabirayo dhibaatadaas ku habsatay qaranimadii iyo haybadii Soomaaliyeed, iyadoona waliba aysan “Fari kaqodnayn faanoolle “,oo xal aan wali loo helin aan dhaafsanayn (4.5 iyo federaal -nimo). Taasoo anigu u arko aasidii qaranimadda soomaaliyeed iyo dib u soo noolayn ama sharciyeen Qabiil iyo Qabyaalad.
Hadaan usoo noqdo ujeeddada maqaalkan, waxaan rabaa inaan qiyaaso dareenkii iyo humaagii ka guuxayay maskaxdii Md. Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Md. Faysal Rooble,aniga iyo Soomaalida intoodda kalleba. Darreenkaas oo ah sida aanu uga murugoonayno dhibkan nagu habsaday ee aanu gacanteena isku goowracnay. Ilaahayna hanaga saaro sida ugu dhaqsaha badan Insha Allah Amiin Amiin.
Hadaba waakan cabirkaygii aan xaalada Soomaalidu ku sugan tahay ku cabiray. Anigoo Soomaalida iyo Soomaliya ugu halqabsanayaa “Tolkay ama Tolkaybaa” illeen Soomaali oo dhani waa Tolkaygee. Qaranimadii Soomaaliyeed oo katalaabsan kari la’a dadkeeddii ayaa ku andaconaysa sidatan;
Tolkaygoow tixdan tabasho, aan tabiyee ii tudha
Ma maantaan tolkay, ka talaabsan la’ahay
Ma maantaan markii aan talaabsadabba, Tolkay kuturun turoonayaa
Ma maantuu tolkay, Inuu itabceeyo tiigsanayaa
Tolkaybaa itafaafulee, Tog waan ka tag roonahaye
Ma tiro badnida tolkaybaa, Tumuux oo kalle ah
Ma maantaa tayo xumada, Tolkay tiirka la ii taagay
Ma maantaan Tolkaygoow, Tin iyo ciriba ciil la taamayaa
Ma maantaan tolkaygoow, Tol waa tolane la tuuray
Tiiraanyo waxaa iigu filan, Tolkayga kala taamaya
Tolkaygoow taahani, wuxuu tabayaa taageeridiina
Tolkaygoow itaban taabeeye aan talaabsadee
Ma maantuu tolkay talo iyo tusaalaba iga tashiishay
Tolkaygoow tabaashiirta iyo teebka, kutusmeeya taageeridiina
Tolkaygoow ku tebiya Taleefonka iyo Telegaraafka taageerada
Tolkaygoow tabaruca taageere taam kayeela
Tolkaygoow tashi ha katagina, aan taabo galnee
Tolkaygoow waan toloobi, hadaan lay taakuleene
Tolkaygoow itaageer aan talaabsadee
Tolkaygoow ma TIT for TAT, baan kadaynay tabar
Tolkaygoow tahniyad iga hooya tafatiran
Tiro iyo tayo tolkaybaa ku tuhmayaa
Taariiq iyo tusalaba tolkaybaa leh
Tawxiid iyo Tafsiirba tolkaybaa talaaweeya
Tolkaygoow taqwada iyo Toobada tiigsada
Nasri iyo shahaada, Tolkaygoow tiigsada
Tolkaygoow mar uun tuura, heeryada tiiha iyo taaha.
Waxaan ognahay in Soomaalidu meel kasta ay joogto maanta ay ku rafaadsan tahay, tiih iyo taaha ka yeedhaya ayaad dhegaha faraha gelin. Waligaaba magacaad doono u bixi tuulada aad joogto, maryo calalo ahna kar karo, oo aad leedahay waa calankayagii, adigoo calankii Soomaaliya kala shaxaadaya, runtii qayqaybinta Soomaali meel ku gaarsiinmayso. Lama huraan ,waa cawska Jiilaal, Soomaali-nibadda ayaa ku huran iyo geeridabba. Warhooy!!!! Waarimayside war ha kaahadho.
Mudane Marxuum Cabdirisaaq dhaxalkaagu (Your legacy) wuu nagu dheehan yahay, naguna dhereran yahay (Forever). Ilaahay ha kuu naxariisto Mudane marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Janadiisa Fardawsana ha kawaraabiyo. Dhamaan Ehelkiisa iyo Soomaalidabba Samir iyo Iimaan ka kasiiyo, Amiin Amiin yaa Rabbi.
Mustafe A. Xandule
Email:Aniga1@hotmail.com
Leave a Reply