Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Baroordiiq: Khaliif Ciise Mudan

Odhaahda Tifatirka: Waxaa bishan aynu ku Jirno ee Nofember 24, 2020, ku geeriyooday dalka Turkiga Alle Naxariistii Janno ha siiyee Md. Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed siiba deegaannada Puntland. Haddaba aqoonyahanka iyo qorayaasha Soomaalida qaarkood oo aqoon u lahaa marxuumka ayaa waxay baroordiiqdan akhristayaasha kula wadaagayaan aragtidooda shakhsiyaddii Khaliif Ciise.
————–

Faysal Cabdi Rooble

Caadiyan waxaan seexdaa 10:30 habeenimo, inkasta oo 7dii bilood ee u dambeysay oon guriga dhexdiisa ka shaqeeyo cudurka Karoonaha awgiis aan mararka qaarkood ka daaho xilligii caadiga ii ah.  Cabbaare 1-dii saqda dhexe ayuu telofoon dhowr jeer itoosiyey. Markaan ka yaabay soo noqnoqoshada qaylada telefoonka ayaan is biday bal in aan farriin-reebka telafoonka eego.  Kollaba war xun waan filanayey, sababtoo ah xilliga la isoo wacay ayaan caadi ahayn.

Madaxaa iwareeray! Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun ayey farriintu ku billaabantay. Intaanan dhammayn akhriska fariinta oo dhan, jidhkaa i dubaaxay. In farrintu geeridii Khaliif tahay waan dareemay! Maadama aan xaalkiisa had iyo jeer waraysan jiray, cid kale oon xanoon ba’an ku ogaana aanay jirin, markaan sadarada ah “saaxiibkaa Khaliif wuu geeriyooday,” isha ku dhuftay culays aanan weligay dareemin ayaa garbaha iga fuulay. Intaan ducaystay ayaan sariita salka saaray. Biyo ii saarnaa miiska ayaan yar qudhqudhiyey. Hurdo waan kala guurnay. Haddeer oon xusuus reebkan qorayo sidii ayaan u soo jeedaa.

Alle ha u naxariisto Jeneral Khaliif Ciise Mudan xilli aan fogayn oon dalka Jabuuti shir u tagay ayuu iskaaya baray saaxiibkay Cabdiraxman Xoosh (AHUN). Waa sannadii 2015. Weli waan xasuustaa ereyadii Xoosh yidhii markuu iskaaya barayey. “Waa safiirka aan dawaliga ahayn” (non-governmental Ambassador of Somalis) ayuu isku kaaya baray.

Isla markaan salaanta muslinka isdhaafsanay, telefoonka ayuu Khaliif qabsaday. Shaw waxa uu isla markiiba diyaariyay casho sharaf baaxad leh. Casuumad qiimo leh ayuu aniga iyo shanti qof eenu wada soconay noo diyaariyey. Xilli gaaban laakiin xayo badan ayaa cashadaas ka muuqatay.

Mar kalena waxaan jeclahay in aanu Jabuuti ku kulanay. Waxaanse runtii xilli fiican la qaatay marxuumka 2019 mar aan socdaal ku tagay Puntland. Soodhaweyntii mugga lahayd een kala kulmay Puntland door waafi ah ayuu ku lahaa Jeneral Khaliif.

Intii aan joogay Puntland isaga ayaa qorshahayga hormuud ka ahaa. Madexweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenkaba isaga ayaa noo dhexeeyey. Waxa uu ila tagay ilaa Boosaso oo ah magaaladii u ku dhashay.

Soo dhaweyn iyo martigelin weyn ayuu noogu sameeyey aniga iyo wafdigii aanu wada soconay magaalada taariikhiga ah ee Qardho. Laba habeen oonu Qardho ku dhaxnay, guri Khaliif leeyahay ayaanu degganayn.. Khaliif waxa uu ahaa shaqsi deeqsinimada, bulsho soo dhaweynta, iyo martisoorka aan hagarta lahayn ku sifoobay. Wafdiga iyo askarta nala socotayba kharashka ku baxaya isagaa dusha u ritay.

Waxan si gaar ah ula socday dhismaha warshadda Rinjiga uu ka dhisay Garowe. Muhiimadda uu kalahaa mashruucan waxay ahayd in uu bulshada Garowe ka haqab tiro baahida Rinjiga.

Intaasi oo dhan waxa u dheeraa in uu ahaa shaqsi bulshaawi ah, Soomaali badana ku xidhan. Marku xanunku qabtay ayaanu wada hadalnay Wasiir hore (heer federal) oo hadda Xamar jooga reer-Woqoyina ah. Waxa Wasiirkaasi ii shagey in uu Khaliif marti galiyo mar kasta oy tagaan Puntland. Dhawaan markuu shaaciyey in uu isu soo taagayo jagada xildhibaanimo, Soomaali badan ayaa taageero u fidisay. Hawl uu ka soo dhalaali lahaa waxna ugu qaban kari lahaa Puntland iyo Soomaaliyaba ayaanu filaynay. Qadar Allase qorshahaas ma waafaqsanayn. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu jandii ka waraabiyo ehelkana Samir iyo Iimaan ka siiyo

———–

Xasan Abukar

Ilaahay ha u naxariisto Jeneraal Khaliif Ciise Mudan. Marxuumka wuxuu ahaa qof ehel ah. Waxaanu aheyn qaraabo dhow, Hooyaday, Dahabo Yuusuf Muuse, baa waxay ahayd Eedadiis. Markii ugu horreysay aan la kulmo Khaliif waxay ahayd anoo wiil yar oo dhigta dugsiga hoose ee Muqdisha. Khaliif markaa ayuu ka yimid Bari isagoo arday ka noqday Dugsigii Sare ee Jamaal Cabdinaasir. Waxaan ku wada noolayn isku guri muddo dhawr sano ah xaafaddii Isku-Raran. 

Khaliif wuxuu ahaa qof aad u ixtiraam iyo edeb badan, bashaash ah, kuna fiican waxbarashada. Waxaan xasuustaa markuu dugsiga sare ka qalanjabiyay, waxaa uu ku biiray saraakiishii ciidanka isla markaana waxaa loo qaaday Midowga Soofiyeeti si uu u noqdo duuliye. Markuu ku soo noqday dalkii, Khaliif wuxuu noqday sarkaal waddankiisa daacad u ah. Wuxuu gaaray heer uu noqday taliyahii ciidanka cirka.

Khaliif, burburkii ka dib, wuxuu noqday ganacsade weyn oo mar buu ka mid ahaa milkiilayaashii Daalo Airlines. Intii dambe, wuxuu ka qeyb qaatay dhismihii dawladda Puntland ilaa uu noqday Wasiirka Amniga.

Khaliif wuxuu ahaa nin aad u qiimeeya ehelnimo, saaxiibtinimo, iyo wadaninimo. Waxaan ilaahay ka baryaa inuu ka waraabiyo Jannatul Firdows. Aamiin.

——–

Cabdi Faarax Juxa

Khalif Ciise Mudan Allaha u naxariistee waxaan si fiican isu baranay wakhtigii xukuumaddii Puntland ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole 2009- 2013 oo uu ka noqday Wasiirka Amniga, aniguna aan ka ahaa Wasiirka Waxbarashada. Xilligaas iyo kadib ayaan jid la maray, jidiin la cunay, jabadna la degey. Wuxuu ahaa nin golaha xukuumadda ka dhex muuqda oo haybad iyo dad-wad leh. Waxaan ogahay inuu hantidiisa iyo hubkiisa gaarka ah ugu adeegi jirey danta guud. Wuxuu ahaa nin ku xiran oo asxaab badan ku leh gobollada Soomaalida oo dhan oo gurigiisa iyo gacantiisa lagu soo xisaabtamo.

Khalif Ciise Mudan Allaha u naxariistee wuxuu horey usoo noqday duuliye sare, taliyaha saldhigga Ballidoogle iyo taliyaha ciidanka cirka ee Soomaaliya, laakiin meelkasta iyo shaqo kasta oo guud ama gaar ah oo uu soo qabtay wuxuu ahaa nin ku ammaanan oo magac ku leh. Wuxuu ahaa nin lagu xoomo, lagu hirto, laysku halleeyo oo loo baxsado maalinta adag.

Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Geed weyn oo la harsado. Wuxuu ahaa nin xabiib ah, deeqsi ah, sadaqo badan oo dad ururiye ah. Wuxuu ahaa nin saaxiibbo badan oo albaabkiisu furan yahay. Wuxuu ahaa nin xoog furan, ma daale ah oo hindise iyo hal-abuur leh.
Saaxiib Eebbe godka hakuu qaboojo.
———-

Axmed Cabbaas

Kkaliif Ciisa Mudan (AUN) waxaan nasiib u yeeshay in aan Magaalada Boosaaso ku barto 1991ki oo ahayd xilli aad u xumaa oo Soomaali la soo gudboonaaday. Muddadii saddonka sanno ahayd oo aan Khaliif aqiin waxaan lahayn xiriir joogta ah oo gacaltooyo, kaasoo aan ahayn mid aniga ii gaara ee ehel, qaraabo iyo aqoonninba la lahaa. Khaliif dareenka shisheeyannimadu weligiis kuma duxin dad oo dhammina sokeeye ayuu u ahaa. Dhinac kasta marka aan ka eegey khaliif wuxuu lahaa dhammaan tilmaamihi uu Cali Jaamac Haabiil ugu baroor diiqay markii la soo sheegay geeridi Xirsi:

Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille
Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e
Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi

Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo
Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado

Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo
Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi

Arrimaha aan gaarka u xusi karo waxaa ka mid ahaa deeqsinnimada, gurigiisuna wuxuu ahaa mid ay mar walba martidu gabrantahay. 

Qof deeq iyo dulqaad labadaba Alla ku mannaystay ayuu ahaa. Qofka hal mar la kulma khaliif wuxuu ku reebi jirey xasuus aan gedmin. Soomaalidu qofka ay ammaanayaan waxay ku tilmaamaan “meel ku toos”, khaliifna wuxuu aha qof meela badan oo gobannimo iyo milga leh ku aaddan sidaas awgeedna aad loo tebi doona. Geeridu waa xaq waxaynu ugu ducaynaynaa inuu noqodo kuwa eebbe raallida ka noqdo. Ilaahow Aamiin.
—-

Cabdikariim Cabdiraxmaan X. Xasan

Mar aan safar ku tagey Garoowe, Puntland bishii Sebt 2018, oo ay ka socotay ololaha doorashada Madaxweynaha, ayaa waxaa hotel aniga iyo Juxa oo wada soconnaa ugu soo galnay Khaliif Ciise (AHUN). oo ka mid ahaa musharaxiintii Puntland ee jagada madaxweynaha. 

Markii aanu isa saalaanay, ayuu Juxa iskaaya baray, intii uusan hadalkii dhammeyn, ayuu Khaliif yiri- sow maaha, ina C/raxmaan X. Xasan- reer Berbera. Waxa u markiiba ii tiriyay ilma Cabdiraxmaan oo dhan, marka laga reebo aniga oo aanaan horey isu arag. Inta aanu iska ilownay wadaadkii Juxa, ayaanu sheeko faamili iyo waayhihii samaa ee dalku soo maray galnay (nostalgic). Waxa uu makiiba noo fidiyay martiqaad. Intii xiligaas aan joogay Puntland Khaiilf waxa aan ku arkay qadarin soo dhaweyn iyo in uu ehel la yahay dhammaan dadka oo dhan.

Khaliif waxa uu aad ugu dadaallay oo dadka ku dhiirigelin jiray in dib loogu soo noqdo oo laga qeyb qaato ganacsiga iyo maalgashiga dalka. Khaliif oo ganacsi kala duwan ku alhaa dalalka jaarka ah, khaasatan Kenya, ayaa ii sheegay in uu ka soo raray ganacsigaasi oo uu u soo wareejiay Puntland, dadkana uu ku dhiiri gelinayo in laga qeyb qaato horumarka dalka.

Waxaan khaliif uga baryayaa in uu Alle naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisii, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iiman ka siiyo.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.