W.T. Faarax Cali Gammuute
Alleylahe damal baa gabi yidhi. Intuu galoolku geedaha ka mudho, ninkii gedihiisa ka mudhay guur. Ma hadhin hadal lays yidhaahdaa.Qoyska Siciid Shiikh Samatar, iyo guud ahaanba intii wuxuu galo iyo wuxuu gudo ogsoonayd ee garabkoodu bannaanaaday aan la wadaago baroorta.
Geerida Siciid
Gurgurshaaga iyo
Guurtigu waqii
Wuu gu’i jiree
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Gurux dheerihii
Gobanimada iyo
Garashada badnaa
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Murti gaaxsanoo
Aan soo gudhayn
Kii loo gimgimay
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Af gobaadsadoo
Aan godob ka talin
Kii lagu galladay
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Gar la eex naqiyo
Gurrac iyo maroor
Kii gawdhin jiray
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Qalin goor walbaba
U goleeya nabad
Kii gacan ku dhigay
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Hiyi gaarramoo
Aan gabi dhacayn
Kii laga guntaday
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Magac waa gunnee
Taariikhda garan
Kii gaar u helay
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
Wedka gaadayee
Buuniga gambiyay
Geedkii ha ba’o
Geerida Siciid
Waa lagu gablamay
W.T. Abwaan Faarax Cali Gammuute
Email: farahgamute@gmail.com
Leave a Reply