IDIRIS M. CALI
Heesta hoosta ku qoran waxa aan June 21, 2014 kaga qaybgalay xaflad-qalinjabineed (sanadguuradii sagaalaad) oo ka qabsoontay magaalada Boston—xafladdaas quruxda badan oo ay soo agaasimeen bahda SALSI (Somali Association for Literacy & Social Improvement). Heestu waa masafo, leh jaangoynta “heesta-maqasha.” Heestu waa masafo oo waxa ay u taxan tahay bayd-bayd (labo-labo-meeris). Waxa ayna dulucdeedu tahay: Weynayn la weynaynayo doorka bartaha ee waxbarashada.
Sida suubban, diinta na ku sugan, waxa ay heestu ku furmaysaa bisinka, mahadinta Eebbe, iyo ku-sallinta Rasuulka (NNKH). Tuducda xigta ayaan ku qeexayaa waxbarashada. Boohintiisa koobaad illaa iyo bud-dhiggiisa, waxbarashadu waa sad qof kastaa wax ku yeesho. Haddaba, waxa ay waxbarashadu hoy u tahay basar (hannaan) iyo aqoon, oo ay dadku uga baxaan jahliga daleesha ah. [Qof dhaxanta aan wax ka baran ma “hoy” buu yeeshaa?]
Ka dib waxa aan tuducda saddexaad ku sifaynayaa astaamaha bulbulka, kaas oo ujeeddada uu wax u barto tahay tiirinta wanaagga. Bulbulku waa xariif u taagan (oon u doortay inuu u taagnaado) waxbarashada lafteeda, maaddaama oo uu xariif ku yahay waxbarashada! Tuducda xigta waxay ka warramaysaa in qofka wax bartay uu bare u noqon karo dad wixii uu bartay sii baran kara, dugsi la’aan. Waayo, waxbarashada iyo barennimadu way ka baaxad weyn yihiin in dugsi (iskuul) lagu soo uruuriyo, oo waliba beeso uun lagu raadsado. [Qalinshubatadu saw meel kasta hunguri ka ma dayin?]
Waxa ay heestu ku soo xidhmaysaa farriin ku socota jiilasha hore ee bulshadeenna; farriintaas oo dulucdeedu tahay in bartayaasha maanta loo hagar-baxo, oo la ogaado qiimaha ay mustaqbalka ku fadhiyaan. Haddii ba aan bartayaashan waxbarashada lagu taageerin (duca na waa wax buuran e), sidee ayay u hanaqaadi karaan oo isaga dhawri karaan hogoggii (halista lahaa ee haybsooca, qabyaallada, isdilka, iwm ee) ay jiilashii hore ku hoobteen? [Qofka qashinkaaga kaa qubaya miyaa la xasdaa?]
Waa tan heestu (macnaha ereyada dugulka ah na hoosta ka eeg):
Magac Baydaraan
Boqorow Adaa Baxsanaha Rasuul Inta raacday bili
|
ku bilaabayaa
mahad buuxda lee naxariis u beeg iyo sii badhaadh
|
|
Barashadu naftay
Illaa laga bud-dhigo Waxay buul u tay Dadku baylah iyo
|
ballaysimo u tay
qofna kama biddoo basar iyo aqoon jahli uga ga baxo
|
|
Dadaal baaxad weyn
Samiriyo buruud Xaqdhawriyo bisayl Iyo waa “bashaash”
|
oo aan ba’ayn
balaayada duwiya saaxiib u bogo bulbul summadihiis
|
|
Bartayahow bal eeg
Waxa loo bartaa Noqo buunni bilad Billaahiye bartow
|
hadda beeso uun
bulbul ma ba dhalaan ku mutaysta barid ku gal ballan middaa!
|
|
Berritada aduu
Waxad bi’isayuu Taageero bad ah Bulshayeey bartaha |
ku baddalahayaa
wada baananoo waw baahanyee ma u bixin kartaa? |
MACNAHA EREYADA:
Baydaraan (Baydariga ayaan); Baydari: Al-Casiis (Eebbe). [Xirsi Magan Ciise, maan se xaqiijin!]
Biddoo (biddo oo); bidid: Buubto, duusho.
W.T. Idiris M. Cali,
Dhanjac: Idiris.m.cali@gmail.com
Leave a Reply