Bangiga aduunka oo sare u qaadey dadaalada horumarineed ee Soomaaliya

Bangiga aduunka oo sare u qaadey dadaalada horumarineed ee Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Bangiga aduunka ayaa sare u qaadey dadaalada uu kaga qeybqaadanayo horumarinta kaabayaasha dalka iyo gurmadka abaaraha ee malaayiin Soomaali ah ay u baahanyihiin gargaar degdeg ah.

Madaxa bangiga aduunka Soomaaliya Marwo Kristina Svensson ayaa maanta kulan la qaadatey Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxa ayna warbixino ka siisey qorshayaasha Bangiga Aduunka ee ku aadan taageerada maaliyadda Soomaaliya iyo gurmadka abaaraha .

RW Xamse ayaa uga mahadceliyey Kristina dadaaladda ay ka wado Soomaaliya iyo wada shaqaynta hay’addaha kala duwan ee xukuumadda, waxa uuna ka codsadey in Bangiga Aduunka uu ka taageero qorshayaasha hor tabinta u leh xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Bangiga Adduunka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo ka mid tahay kabka miisaaniyadda dalka iyo horumarinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha dawladdu wadaan.

Dhinac kalena bayaan si wada jir ah ay u soo saareen Wasiiradda Maaliyadda maamul goboleedyada dalka, ayaa ay ku cadeeyeen in xiriirkii ka dhaxeeyey Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka gebi ahaanba ay jareen.

Bayaankaasi ayaa ka dabeeyay khillaaf ku aadan qeybsiga saamiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleeydada lacag gaadheysa $ 100 milayn oo Bangiga Adduunku ugu deeqay Soomaaliya, si loogu xoojiyo kor uqaadida ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo daahfurnaanta miisaaniyada.

Bayaanka wasaaradaha maaliyadda dawlad goboleedyadu soo saareen 30 August 2022, ee ay xiriirka ugu jareen wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sababeeyey kadib markii si bareer ah wasaaradda maaliyadda federaalka u baalmartey una jabisey heshiisyada hoos ku xusan:
1.Heshiiskii Adis Ababa September 2019
2. Heshiiskii Kismaayo November 2019
3.Heshiiski Kampala December 2019
4.Heshiiskii Nairobi January 2020

Heshiisyadaan oo lagu gaarey wada tashi iyo wadar ogol ayey sheegeen in wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka baalmartey, isla markaana go’aano aan lagala tashan dawlad goboleedyada gaarey sidaasi daraadeed inta wasaaradd maaliyadda kusoo laabanayso xeyndaabka sharci iyo fulinta sharci ee heshiisyada kor ku xusan aanu wax xiriir ah la yeelan doonin.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho