Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Yeeshay

Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Kulan Yeeshay

Muqdisho, Abril 02, 2013 (WDN)- Waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta golaha shacabka  xildhibaanada baarlamaanka federaalka  Soomaaliya, kaasi oo ay kaga doodayeen xiliga uu furmayso doodda golaha iyo waqtiga imaanshaha barlamaanka.

Doodda oo maanta ahayd mid wax badan ka duwan kuwii dhawaanaha ka dhacay xarunta barlamaanka Soomaalia,  ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii wax looga badali lahaa kooramka barlamaanka uu ku furmaayo oo muddooyinkan dambe ahaa mid ay dood ka tagneyd, kagadaal markii ay xil dhibaanadausoo booxin waayeen kooramkii looga baahnaa in uu ku furmo kal-fadhiyada barlamaanka.

Xildhibaanada qaar, ayaa waxa ay ku doodayaan in uu kalfadhiga si toos ah u furmo wixi ka danbeeya 8:00 subaxnimo halka qaar kale ay qabaan mid taasi ka duwan oo ah 9:00 sbaxnimo, waxa ayna tani  ka dhax dhalisay xildhibaamnada dood  xasaasi ah.

Waxaana maanta kal fadhiga shir guddoominaayo gudoomoye ku xegeenka koowaad  mudane Jeylaani Nuur Iikar, waxaana lagu wadaa in ay dooddan socoto muddo labo maalin ama ka badan. Waxa ay arintani ku soo aadeysaa xilli maalmahaan ay kalfadhiyada xildhibaanada u baaqdaan kooramka oo buuxsami waayay dartiisa.

Maxamed Nuur Amiin

WardheerNews, Muqdisho.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.