
Muqdishu (WDN) Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa fadhi ay yeesheen maalintii Sabtida ee bishan June 6 dii, ku ansixiyay Mooshin ay ku diiddan yihiin dhismaha Baarlamaanka Jubaland oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah.
Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen 142 xildhibaan ayaa la sheegay in ay mooshinkan codkooda siiyeen 132 mudane, halka ay 4 ka diiddeen iyadoo ay 6 xildhibaanna ka aamuseen.
Mooshinkan oo dhawr jeer dib u dhacay ayaa waxa uu ka dhashay cabashooyin badan oo ka soo yeedhayay beelaha Soomaliyeed qaarkood ee ka soo jeeda deegaanka Jubba, iyagoo sheegay in aan xubnaha Baarlamaanka si caddaalad ah loo qaybin.
Dhan ka kale maamulka kmg ah ee Jubba ee uu hogaamiyo Amed Madoobe oo horey uga tirsanaa ururka argagixisada ee
Al Shabaab, ayaa go’aanka Baarlamaanka Federaalka si cadho leh Uga jawaabay iyagoo qoraal ay arrintan ka soosaareen ku sheegay in ay gebi ahaanba xidhiidhkii u jareen Dawladda Federaalka Soomaaliya.
WardheerNews
Leave a Reply