Baarlamaanka Galmudug oo kalsoonidii kala noqday Madaxweyne Cabdikariin

Baarlamaanka Galmudug oo kalsoonidii kala noqday Madaxweyne Cabdikariin

WardheerNews (WDN)- Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug, ayaa cod aqlabiyad ah kagala noqday kalsoonidii madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 xildhibaan, ayaa go’aanka xil ka qaadista waxaa u codeeay 54 xildhibaan,  kadib markii ay iskugu yimaadeen kal fadhi aan caadi ahayn oo uu gudominayay Md. Xareed Cali Xareed, oo ah gudoomiya xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Dhinaca kale Madaxwayne Cabdikariin Xuseen Guuleed, ayaa ku tilmaamay go’aanka xildhaibaanadu kagala noqdeen kalsoonida, mid sharci daro aha, isaga oo u cuskaday arinkaasi fasax uu u kala diray golaha gudoomiyaha Baarlamaanku.

Waxa jirta in gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Md. Cali Casir uu bishan 5-dii soo saaray qoraal uu ku xusay in 45 maalmood dib loogu dhigay kalfadhigii Baarlamaanka, isagoo cuskanaya duruufo ka jira dalka.

Iska horimaadkan maamulka iyo golaha Baarlamaanka ayaa ku soo aday wakhti xaasaasi ah, islamarkaana keeni kara dhibaatooyin iyo xasilooni darro hor leh, iyada oo deegaanada maamulka Galmudug ay ka jiraan is af garan waa u dhexeeya maamulka iyo Ahlu Sunaa, Puntland, iyo dhibaatooyin kale oo la xidhiidha abaaro iyo Al Shabaab.

WardheerNews