Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Baarlamaanka F. Soomaaliya oo Eryay Ra’iisal Wasaare Khayre

Muqdisho, Fadhi ay maanta yeesheen xildhibaannada Baarlamaanka F. Soomaaliya ayaa ay ugu codeeyeen mooshin ay kalsoonida kala noqonayaan xukuumadda F. soomaaliya ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka yahay Md. Xasan Cali Khayre.

Guddoomiye Maxamed Mursal

Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Baarlamaanka F. Soomaaliya Md Maxamed Mursal oo codaynta ka dib halkaas hadal ka jeediyay, madasha oo ay ku sugnaayeen xubno gaadhaya 178 xildhibaan ayaa waxaa mooshinkaasi taageeray oo codkoodii kalsoonida kala noqday xukuumadda 170 xildhibaan.

Guddoomiyaha ayaa ku sababeeyay arrintan ka dib markii ay xukuumadda Xasan Cali Khayre ku guuldarraysatay in ay fuliso waxyaabihii ay shacabka u ballanqaaday oo ay ka mid ahaayeen in ay waddanka gaadhiiso in laga qabto doorasho ay shacabku codkooda ka dhiibtaan, dhammaytirkii dastuurka KMG ah iyo qoddobo kale.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Dawladda F. Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu aqbalay go’aanka baarlamaanka F. Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.” ayuu yidhi madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo sida lagu xusay qoraalkaas Villa Soomaaliya ka soo baxay.

RW Khayre

Inkastoo Ra’iisal Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo loo arkayay kuwo aad isugu dhow oo meesha ka saaray khilaafyadii joogtada ahaa ee looga bartay madaxweynayaashii iyo ra’isal wasaarayaashii ka horreeyay haddana waxaa muuqanaysay bilihii ugu dambeeyay in ay aad ugu kala duwanyihii doorashada la filayo in ay Soomaaliya ka dhacdo wakhtiga iyo nooca ay noqon doonto.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isagu qabay fikir aad ugu dhow midka ay aaminsanyihiin mucaaridka dawladda iyo maamul gobolleedyadu sida uu marar badan sheegay kaasoo ah in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, lagana wadatashado qaabka ay u dhici karto halka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanku ay marar badan sheegeen in ay waddanka ka dhacdo doorasho hal cod iyo hal qof ah.

Iyadoo dhawaan ay ku ballansanyihiin madaxda maamul gobolleedyada iyo dawladdu magaalada Dhuusa Mareeb si loo sii ambqaaddo hawlihii wadatashiga iyo go’aan ka gaadhista doorashada dawldda F. Soomaaliya ayaan la saadaalin karin saamaynta ay arrinta eriga Khayre oo qayb ka ahaa wadahadalladu ku yeelan doonto kullannada soo socda.

Sidoo kale ma cadda cidda uu madaxweyne Farmaajo u magacaabi doono Ra’iisal Wasaare cusub si uu u buuxiyo jagadii laga qaaday Xasan Cali Khayre oo aan isagu ilaa hadda wax hadal ah ka soo saarin xilkaqaadistiisa.

WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.