Baaq wadajir ah oo ay ku heshiiyeen waddamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya

Baaq wadajir ah oo ay ku heshiiyeen waddamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya

Asmara, Iyada oo la tixgelinayo in dadyowga Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya ay wadaagaan deegaan, taariikh, dhaqan, diin iyo danno muhiim ah;

Heshiis saddex geesood ah, Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya

-Iyada oo la qaddarinayo madaxbannaanida dowladeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee wadanka kasta;

-Iyaga oo xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah si ay u gaaraan yoolkooda sare;

Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay gaareen heshiiska soo socda oo ka tarjumaya himilooyinka shucuubtooda:-
1) Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.

2) Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3) Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

4) Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

Dhamaad

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta

Leave a Reply

Your email address will not be published.