UJEEDDO: Kalsooni kala noqosho Madaxweynaha Dawlad Goboleedka
Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan
Anagoo ah oday dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda maamul goboleedka Koonfur Galbeed , magacyadooduna hoos ku qoran yihiin, waxa aannu la socodsiinaynaa shacabiweynaha Soomaaliyeed, madaxda dawladda federaalka iyo beesha caalamka in aannu kalsoonidii kala noqonnay Shariif Xasan Sh. Aadan, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Madaxweyne Shariif Xasan oo xilkaas loo doortay muddo hadda ku dhow 7 bilood, ayaa waxa cad in uu fashilmay, lagana rajo qabin in uu dhiso maamul ka hanaqaada Koonfur Galbeed.
Haddaba qodobada ugu muhiimsan ee keenay inaan tallaabadan qaadno waxa ay yihiin:
1- Madaxweyne Shariif Xasan oo si cad ugu xadgudbay Dastuurkii maamulka Koonfur Galbeed. Tusaale ahaan sida Axdigu qabo waxa ay ahayd in lagu soo dhiso baarlamaanka Koonfur Galbeed muddo 45 maalmood. Waxa Iyana Dastuurku farayaa madaxweynaha in uu sidoo kale madaxweyne xigeenada ku soo magacaabo 45 beri. Kuwaas oo loo baahnaa in lagala tashado, lagana ansixiyo Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabay. Nasiibdarro arrinkaasi ma dhicin sida aynu ka wada warqabno, illaa haddana Shariif Xasan waxa uu si bareer ah uga cagojiidayaa magacaabista Madaxweyne Xigeenada iyo dhisidda baarlamaanka maamulku yeelanayo oo ah hay’addii xeer dejinta iyo kormeeridda Golaha Fulinta.
2- Waxaa guud ahaan gacanta ka sii baxaya amniga degaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan magalaada Baydhabo. Waxa muddadii Shariif Xasan loo doortay xilka madaxweynenimo magaalada Baydhabo lagu dilay dad ka badan 15 qof oo isugu jira culimaa’uddiin, odaydhaqameedyo, suxufiyiin, haween masaakiin ah iyo saraakiil. Waxa sidoo kale aanu illaa hadda soo bandhigin qorshe uu maamulkiisa kaga xoraynayo kooxda Al Shabaab deegaaanada Koonfur Galbeed ee ay kooxdaasi gacanta ku hayso. Waxa intaas dheer in Madaxweyne Shariif Xasan ku guuldaraystay dhismaha ciidamo amni oo tayo leh oo maamulku leeyahay. Sidaas darraadeed waxaaba laga cabsi qabaa in deegaan uu maamulku xoreeyo ska dhaafe, in intii gacanta lagu hayay ay ka farabaxdo.
3- Waxa uu madaxweynuhu isku xeeray, una dhiibay xilalka muhiimka ah, gaar ahaan kuwa ilaha dhaqaale hoos yimaaddaan qoyskiisa iyo qaraabadiisa. Tusaale ahaan waxa uu u xilsaaray hawlaha qandaraasyada ku aaddan dib u dhiska waxa uu u dhiibay nin lagu magacaabo Bashiir Fircoon oo ay qaraabo dhow yihiin. Sidoo kale waxa uu awooddii Golaha Wasiirrada gacanta u geliyay wasiirka madaxtooyada oo ah wiil dhallinyaro ah oo uu adeer u yahay. Waxa isna awood xooggan ku leh maamulka Koonfur Galbeed walaalkii oo ugu magacaaban la taliyiisa dhinaca siyaasadda oo aan ku koobnayn xilka uu ku magacaaban yahay, balse meelo badan faraha kula jira.
4- Tan iyo intii xilka madaxweynenimada loo magacaabay waxa Shariifku uu ku hawlan yahay musuqmaasaq baaxad leh. Isbaarada Afgooye oo lagu qiyaasay in ay maalintii ka soo xerooto in ka badan 20,000 oo doollarka Maraykanka ah. Taas oo haba yaraatee, aan maamulka Koonfur Galbeed waxba loogu qaban, basle sidii uu doono uu ugu tagrifalo. Illaa hadda shaqaale hoose iska dhaafe xataa wasiirradiisu wax mushahar ah oo ay qaataan ma jiro.
5- Waxa madaxweyne Shariif iyo inta badan golihiisa wasiirradu ay illaa haatan deggen yihiin magaalada Muqdisho. Taas oo muujinaysa sida aanu diyaarka ugu ahayn in uu ka hawgalo deegaanka maamulka Koonfur Galbeed ee uu madaxweynaha ka yahay.
Baaqan waxa Diraya Odayaasha iyo Waxgaradka Koonfur Galbeed ee kala ah:
- Malaaq Ibraahin Mcaalin Cali (Leysaamow)
- Malaaq Cali Maxamuud Xasan
- Ugaas Cali Cabdi Aadan
- Samadoon Xasan Isaaq Abdi
- Malaaq Maxamed shire Maxamuud
- Guurow Maxamed Qeyr (Guurow Amxaar) Wasiir Hore
- Maxamed Cali Aadan (Qalinle) ,Guddooomiyihii hore ee gobolka Bay
- Maxamed Nuur Caqbdiraxmaan (Madluum)
- Idiris Cabdi Taqtar
Wabilaahi towfiiq
E-Mail: geedi660@gmail.com
