BAAQ KASOO BAXAY KULANKII QURBAJOOGTA PUNTLAND

BAAQ KASOO BAXAY KULANKII QURBAJOOGTA PUNTLAND

KU: Isimada, Madaxda Dowladda, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Culimadda, Ururadda Bulshada iyo Qurbajoogta Puntland

HORDHAC

Burburkii ku yimid dawladnimadii iyo madaxbannaanidii qaranka Soomaaliyeed shan iyo labaatan sano ka hore waa masiibo qaran oo dhaawac baaxad weyn u geystey aayaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaa dhammaan dalka hareereeyey hoggaan xumo, amni darro, midnimo iyo horumar la’aan saameeyey jiritaanka iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Puntland waxay ahayd deegaan nabad ah oo lagu soo hirto oo ay ku midoobeen dad walaalo ah oo talo wadaag ah, isla markassna leh maamul dawladeed iyo kala danbayn. Waxay ahayd xabagta isku haysa dalka, hormoodna ka ah doonista sidii lagu heli lahaa dawlad dalka u horseedda horumar, xasillooni, kala danbayn iyo midnimo.

Waxaa maanta Puntland ku habsaday dhibaatooyin ay ka mid yihiin hoggaan xumo, colaad iyo abaar, kuwaas oo waxyeello culus gaarsiiyey xasilloonidii iyo dhaqaalihii dalka. Waxaa dhabar-jab ku yimid hankii iyo rajadii ay bulshada reer Puntland u qabeen dowladda Puntland. Qodobbada ay bulshoweynta reer Puntland – dal iyo dibedba – ku dhalliilayaan dowladdooda waxaa ka mid ah:
1-
Xukuumadda Puntland oo ka gaabisay daryeelkii iyo adeegyadii bulsho ee laga filayay.
2- Xukuumadda oo ka gaabisay soo celinta degaannada maqan.
3- Xukuumadda oo ku tumatay xuquuqo aasaasiga ah oo dastuurka Puntland ku qeexan sida:
4-Xorriyadda fikirka muwaadinka.
5-Xuquuqda iyo madaxbannaanida warbaahinta xorta ah oo ciriiri la geliyay.

Halkan ka akhri: Baaqa Qurbajoogta Puntland – MANIFESTO

Leave a Reply

Your email address will not be published.