Wednesday, May 08, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baaq: Joogtaynta Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya

Ku: Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday
Ku: Gudoonka Golaha Shacabka ee muddo-xileedkoodi dhammaaday Ku: Gudoonka Aqalka Sare ee muddo-xileedkoodi dhammaaday
Ku: Ra’iisul Wasaaraha muddo-xileedkiisi dhammaaday
Ku: Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka
Ku: Ururada Bulshada Rajidka Soomaaliyeed

War Saxafadeed

Guddiga Kacdoonka Somali Gender Equity Movement (SGEM), xubnaha Kacdoonka, haweenka iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed waxay walwal iyo walaac badan ka qabaan in xilligii dastuuriga ahaa ee hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) uu dhamaaday, iyada oo aan weli lagu heshiin arrimaha hakadka geliyey hirgelinta Doorashada Dadban ee lagu heshiiyay 17-kii Sebteembar ee sanadkii 2020, oo ay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalkana ansixiyeen.

SGEM waxay nasiib darro u aragtaa in xildhibaannada Golaha Shacabka ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya (GSHDFS) oo waqtigii dastuuriga ahaa ee loogu wakiishay matalaadda ummadda uu dhammaaday 27-kii Diseembar, 2020 ay mooshin ku ansixiyeen muddo Kordhin 2 sano ah oo Baarlamaanka iyo Fulinta ah 12-kii Abriil, 2021.

Madaxweynaha iyo xubnaha GSHDFS waxaa si dastuuri ah loo igmaday in ay dadka iyo dalka matalaan una adeegaan muddo 4 sano ah. Inkasta oo aanay Dastuurka ku qorneyn in mudo xileedka la kororsan karo, haddana haddii ay arkeen in muddadu aysan ku filayn, waxaa la gudboonayd in ay inta aysan muddada xilheyntooda dhammaan ay mooshinkan keenaan. Ma dhicin taasi. Hadda oo ay ku joogaan ilaalinta haykalka dowladnimo iyo in aan wadanku ku laaban dowlad la`aan ma aha in ay ku takri falaan awoodda matalidda shacabka.

Sidaas darteed, SGEM waxay taageeraysaa Bayaanka Aqalka Sare oo ah in la dardargeliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2021. Guusha iyo horusocodka dowladnimo waxay ku jirtaa isu soo dhawaansho iyo wada shaqeyn DFS iyo Dawlad Goboleedyada si doorasho xaq ah, xalaal ah oo heshiis lagu yahay Soomaaliya uga dhacdo, inta dalka laga gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah.

Mahadsanidin
Guddiga Somali Gender Equity Movement (SGEM)
Caqli, Cod iyo Cudud Mideysan


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.