Baanka aduunka oo meelmariyey deeq lacageed oo loogu gurmanaayo Abaaaha Soomaaliya

Baanka aduunka oo meelmariyey deeq lacageed oo loogu gurmanaayo Abaaaha Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Bangiga Adduunka ayaa meelmariyey deeq degdeg ah oo qeyb ka noqon doona kaalmoòyinka lala gaarayo dadku abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya.

Saameynta Abaaraha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika

Madaxa Bangiga Adduunka qeybta Soomaaliya Marwo Kristina Svensson, ayaa sheegtey in 143 milyan oo doolar Bangigu ogolaadey in Soomaaliya loogu deeqo, si loogula tacaalo dadka abaaruhu ay waxyeeleeyeen ee Soomaaliya.

Dhaqaalahaan uu ku deeqay Bangiga Adduunka ayaa si kaash ah waxaa loo gaarsiin doonaa 338,000  qoys ayadoo lasoo marinaayo hay’adaha Qaramada Midoobey ee gargaarka qaabilsan.

Ku dhawaaq 7 milyan oo Soomaali ah ayey saamaysay abaarta ba’an ee Soomaaliya ka jirta, waxaana deeeqdaan Baanka Adduunka ay qeyb ka noqonaysaa dadaallada xooga leh ee xukuumadda Soomaaliya ay waddo, kaasi oo loogu gurmanaayo dadka abaarta la daalaa dhacaaya ee Soomaaliya ku nool.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho