Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • News

Axmed Naaji Sacad oo Caawa London Ku Geeriyooday

Axmed Naaji Sacad (AHUN)

London,(WDN)- Ilaah naxariistii janno ha ka waraabiyee waxaa caawa magaalada London ee caasimadda Biritayn ku geeriyooday fannaankii weynee ee Axmed Naaji Sacad.

Fannanka oo ka mid ahaa kuwa ugu caansan bahda fanka Soomaaliyeed ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho qiyaastii 1939, waxaanu kaalin weyn ka geystay taabbagelinta fanka Soomaaliyeed.

Fannaanka ayaa waxa uu ahaa aasaasihii kooxdii shareero, waxaanu hibo u lahaa fanka qaybihiisa kala duwan sida tumista noocyada kala duwan ee qalabka muusikada, samaynta laxanka, codadka, halabuurka heesaha iyo ku luuqayntooda iyo samaynta iyo isku dubbarididda ruwaayadaha siiba Banaadiriga.

Axmed Naaji Sacad (AHUN) waxaa u ahaa fannaan Afka Soomaaliga ka skow ku heesa afaf kale oo uu ka mid yahay Carabiga.

Fannaanka ayaa intii ka dambeysay burburkii dawladdii Soomaaliyeed waxa uu ku noolaa magaalada london halkaas oo uu caawa ku geeriyooday.

Ilaah ha u naxariisto fannaan Axmed Naaji, qoyskii, ehelkii, asxaabtiisii iyo guud haanba shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan alle ha ka siiyo. Aamiin

WardheerNews

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.