Axmed Madoobe oo Muqdisho oo soo gaarey xilli xildhibaanadii Ceelwaaq loo meelmariyey

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), ayaa maanta ah socdaal kusoo gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana garoonka dayuuradaha Aden Adde International Airport kusoo dhaweeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Xaaji Samatar iyo xubno kale oo kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalka ku wehliyey guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo xubno kale oo xukuumadiisa ka tirsan.

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa waxa uu kusoo aadey xilli qabanqaabada doorashada madaxtinimada Soomaaliya ay heer gabagabo ah mareyso iyo sidoo kale xilli maanta guddoonka golaha shacabku go’aan ka gaarey matalaadda gobolka Gedo isagoo meelmariyey xubnihii Axmed Madoobe xulufada la ahaa ee lagu soo doortey degmada Ceelwaaq.

Waxaa horey isna 4-tii bishaan booqasho kusoo gaarey Muqdisho madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Adan. Waxaa imaatinka mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ay muujinaysaa ol’olaha doorashada madaxtinimo ee Muqdisho ka socota, halka isdiiwaangelinta musharaxiinta madaxtinimada maanta bilaabatey.

Maamulka Jubbaland oo uu horkacayo Axmed Madoobe, ayaa si xooggan ugu jira ol’olaha musharaxnimada Madaxweyna Puntland ee Siciid Cabdullaahi.

Doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya, ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 15-ka bishan May, waxaana soconaya kulamo ay leeyihiin madaxda maamulada qaarkood iyo musharaxiinta.

Maxamed Cumar Aaden,
Wardheernews, Muqdisho