Askar ka tirsan ciidamada gaarka ah ee GorGor oo lagu diley qarax miino ah oo ka dhacey Shabeelaha Hoose

Muqdisho (WDN)- Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtey kolonyo ciidamada gaarka ah ee Gorgor oo marayey inta u dhaxeysa deegaanada Lambar 50 iyo Janaale.
Qaraxa ayaa haleelay gaari nooca Cabdi Bilaha Soomaalida u taqaan oo ka mid ahaa kolonyada waxaana halkaas lasoo sheegayaa in ay ku dhinteen 3 askari tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loo soo qaadey cusbitaalada magaalada Muqdisho.

Weerarada kooxda Alshabaab ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sare u kacey, kadib markii dawlada federaaalka Soomaaliya ay bilowdey hawlgal kooxdaas ka dhan ah oo la doonayo in looga xoreeyo deegaanada weli gacantooda ku jira.

Isbuucii hore ayey ahayd markii ciidamada booliska gaarka ah oo taageero ka helaya dayaaradaha duuliye la’aanta ah ay weerar lama filaan ah ku qaadeen deegaanka Mubaarak ee degmada Awdheegle, halkaasi oo lagu dilay sarkaalsare oo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab,waxaana weerarkaasi sidoo kale uu sababey dhimashada dad rayid ah iyo dhaawac badan.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho