Muqdishu (WDN)- Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan xeerka dhowrista midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Xubnaha Aqalka sare oo kulankii ugu horeeyay kalfadhigooda sedexaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo qeybiyay Xeerkan oo dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.
Xildhibaan Maxamed Aamiin oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka Sare ay soo aqristeen Xeerka oo shalay loo qeybiyay sidoo kale ay ka hadli doono arimo ku saabsan amniga
“Aqalka sare Baarlamaanka ayaa maanta kulmaya waxayna ka doodayaan xeerka dhowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, xeerka waa loo qeybiyay way soo aqriyeen maanta markuu furmana waa laga dooddi doonaa, hadii ay doodda maanta ku filnaato waxaa macquul inay soo gaba gabowdo, hadii waqti loo baahdana waxay ku xiran tahay doodda iyo sida ay noqoto iyo waxaa sidoo kale laga hadli doonaa amniga, arimo badan oo amniga ayaa taagan, iyana dood ayaa laga furi doonaa insha alaah” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aamiin
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa shalay soo bandhigay warbixin uu kaga hadlayo qorshayaashii u qabsoomay kalfadhigii hore iyo arimaha horyaala kalfadhigan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalin ka hor ansixiyay xeerka dhowrista Gobonimada iyo midnimada Umadda Soomaaliyeed, kaasi oo guud ahaan dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World.
Foos Cabdi,
WardheerNews, Kismaayo