Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Alshabaab oo weerar ku qaaday xarunta Dawladda Hoose ee Muqdisho

Muqdisho (WDN)– Gaari walxaha qarxa  laga soo buuxiyey ayaa lagu qarxiyey xarunta maamulka dawladda hoose ee gobolka Banaadir ayadoo qaraxa ka dib ay gudaha u galeen dablay aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, waxaana la maqlayaa israsaaseyn xoog leh oo ka socota xarunta maamulka dawladda hoose ee gobolka Banaadir ee ku taalla degmada Xamar weyne.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaa ayadoo laamaha ammaanka ay ku guuleysteen in ay soo badbaadiyaan agaasimayaasha iyo shaqaalaha gobolka Banaadir ee xarunta la qarxiyey ku sugnaa. Dadka lasoo badbaadiyey ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo xilliga weerarka dhacaayey ku sugnaa xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha weerarkaan ka dhashay inta uu la’egyahay haseyeeshee warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in dhaawac uu soo gaarey taliyaha saldhigga booliska degmada Xamarweyne Najiib Carab iyadoo jugta qaraxa ahayd mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Gawaarida gurmadka degdega ah ee ayaa goobta ku qulqulaya si dadka dhaawaca ah ay usoo qaadaan, waxaana laamaha ammaanku ku hawlanyiniin soo afjaridda weerarkaan lagu ekeeyey xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Illaa iyo hadda waxaa socota rasaas xooggan, waxaana gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo dhismooyinka ku xeeran ka dhex dagaalamaya dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda argagixisada Alshabaab halka ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan ay ku hawlanyihiin sidii ay usoo afjari lahaayeen weerarkan.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee HARAMCAD ayaa iminka la wareegay hawlgalka kooxda alshaabaab looga saarayo xarunta maamulka dawladda hoose ee Muqdisho, waxaana si aad ah degmooyinka gobolka Banaadir looga maqlayaa dhawaqa rasaasta la is dhaafsanayo iyo qaraxyo xooggan oo gudaha xarunta weerarka uu ka socdo ka dhacaya.

Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka kooxda Al Shabaab ayaa si toos ah u tabinaysa weerarka lala beegsadey xarunta dawladda hoose ee Muqdisho iyo dhismayaasha ku xeeran sida Muqdisho Mall, waxaana ay noo xaqiijiyeen dadka ku sugan deegaanada kooxdu ka arrimiso sida Jamaame in ay si toos ah ugala socdaan idaacadda Andalus dhawaqa rasaasta la is dhaafsanayo iyo warbixinnada la xariira weerarka.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatey masuuliyadda weerarkan wallow aysan bixin wax faahfaahin ah oo la xariira khasaaraha iyo cidda ay beegsatey, waxaana kooxda ay sare u qaaday maalmahaan weerarada qaraxyada ah ee ay la beegsanayso xarumaha dawladda iyo xeryahay ciidamada milatariga Soomaaliya tan iyo markii dawladdu xoojisay hawlgalada ka dhanka ah ee kooxda ee looga saarey magaalooyin muhiim ah oo ay tobanaan sano ka talinayeen.

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.