Muqdisho (WDN)- Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii weerar ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ciidamada xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Macawisleyda ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka naga soo gaaraya deegaankaasi ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Alshabaab ay saldhigga ciidamada Xawaadley ku weerareen illaa saddex gaari oo qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana kadib xigay dagaal toos oo dhex maray Shabaabka iyo ciidamada milatariga Soomaaliya ee ku sugnaa saldhigga la weeraray.
Weerarkan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen saraakiil iyo askar badan oo ka mid ah ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Macawisleyda, waxaana ka mid ah sida wararku tilmaamayaan Col. Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey oo ahaa taliyaha saldhigga maanta kooxda Alshabaab weerarka ku qaaday, mana jirto faahfaahin ku saabsan weerarkaan xooggan oo kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya.
Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan iyo dagaalka tooska ah ee xigay, ay waxa ayna qoraal baraha bulshada ku faafisay ku tilmaamtey in ay dileen saraakiil sarsare iyo askar badan oo ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Macawisleyda ee xulifada la ah.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply