Alshabaab oo weerar culus ku qaadey deegaanka Baxdo khasaaro xoog lehna loo geystay

Muqdisho (WDN)- Kooxda Al shabaab ayaa saaka weerar kadis ah ku qaadey deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan kooxda Ahlu Suna iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Alshabaab oo weerar culus ku qaadey deegaanka Baxdo khasaaro xoog lehna la kulmay

Weerarka oo si xooggan ku bilowdey, ayaa waxaa xigey isku hor imaad saacado socdey waxaana lagu soo waramayaa in halkaasi khasaare badani uu ka dhashay oo labada dhinac ah.

Wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Baxdo lagu dilay 45 oo ka mid ah aAl Shabaab, halka war kasoo baxay kooxda Al Shabaab lagu sheegay in weerarka deegaanka Baxdo ku qaadeen ujeedadiisu ahayd mid ay kaga hortagayeen abaabul dagaal oo ku wajahnaa kooxda, iyagoo halkaasina ku dilay 27 askari oo ka tirsan ciidamada Galmudug halka dhankooda ay sheegeen in dagaalkaas uga dhinteen 9 askari.

Ma jiro warar madax banaan oo dagaalkaasi ka soo baxay, laakiin wararka deegaankaas laga helayo ayaa sheegaya in kooxda dagaalka ay soo qaadeen looga dilay 15, oo meydadkooda deegaanka lagu soo bandhigey. Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in ciidamada Ahlusunna dagaalka kaga dhinteen 7 askari.

Deegaanka baxdo iyo deegaanada hoos taga ee gobolka Galgaduud ayaa waxa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo u dhaxeeya kooxda Al shabaab iyo ciidamada Galmudug iyo Ahlusuna oo isku dhinac ah.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho