Muqdisho (WDN)- Qoraal kooxda argagaxisada Alshabaab ay soo dhigtey Baraha Bulshada, ayey ku sheegtey in weerarkii saaka ku qaadeen xerada ciidamada Komaandooska Soomaaliya ee deegaanka Galcad oo qiyaas ahaan caasimadda Muqdisho u jira 375 km, kana tirsan gobolka Galgaduud oo ku bilowday qaraxyo loo adeegsadey 2 gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey. Kaasi oo dagaal toos ah oo ku xigey ay ku dileen 159 askari oo ay ku jiraan saraakiil sarsare oo uu ka mid yahay taliye xigeenka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Komaandooska DANAB Xasan Maxamed Cismaan Tuurre.
Qoraalka ayey kooxdu sidoo kale ku sheegtay in ay gabi ahaanba la wareegeen xerada ciidamada DANAB, isla markaana ay qabsadeen 45 gaadiidka dagaalka ah oo qaar ka mid ah weerarka ku gubeen, waxaana kooxdu intaa ku dartey in ay cagta mariyeen wixii agab iyo rasaas ahaa ee xerada ku keydsanaa.
Dhanka kale war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada komaandooska DANAB ay iska caabiyeen weerarka uga yimid kooxda argagixisada Alshabaab, isla markaana ay ka dileen 100 ka mid ah.
Wasaaradda warfaafinta ayaa intaasi ku dartey in ciidamada Dawladda Federaalka uu soo gaarey khasaaro dhimasho oo gaaaya 7 askari oo uu ka mid yahay taliye xigeenka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Komaandooska DANAB Xasan Maxamed Cismaan Tuurre, ayadoo ciidamada haatan ay baacsanayaan firxadka dagaalyahanada weerarka soo qaaday.
Kooxda Alshabaab ayaa tan iyo markii uu bilowday hawlgalka ka dhanka ah ee looga saarey magaalooyin iyo deegaano muhiim ah oo muddo ka badan 10 sano ay ka talinayeen ayaa waxa ay bilowday in weeraro gaadmo ah oo qaraxyo ismiidaamin ah ku bilaabanaya ku qaaddo xeryaha ciidamada iyo kuwa deegaanka ku suganyihiin.
Maalinimadii Talaadada ee aan kasoo gudubney ayey kooxdu weerar sidaan oo kale ah waxa ay ku qaaday xero milatari oo ku taalla deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ay ku dileen sarkaal sare iyo askar badan oo milatariga Soomaaliya ka tirsan.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply