Alshabaab oo qarax la beegsatey xerada Jen. Dhagobadan ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Qarax xooggan oo caawa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa ka dhacay Xerada tabbabarka ciidanka xoogga dalka ee jeneraal Dhaga-badan ee ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Alshabaab oo qarax la beegsatey xerada Jen. Dhagobadan ee magaalada Muqdisho

Qaraxaan ayaa  ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray jaakad walxaha qarxa laga soo buuxiye , waxaana lala eegtay dhalinyaro doonayey in ay qortaan askarnimo. Wararka ayaa intaasi ku darey in qofka isqarxiyey uu isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo xerada ku sugneyd.

Si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxu sababey laakiin warar horu dhac ah ayaa sheegaya in qaraxu sababey dhimashada 15 ruux iyo dhaawac intaasi ka badan. Waxaana masuuliyadda qaraxa sheegatey kooxda Alshabaab ee dagaalka kula jirta dawladda federaalka Soomaaliya.

Alshabaab ayaa dhawr jeer oo hore sidaan qarax ismiidaamin ah la eegatay dhalinyaro doonayey in ay ka mid noqdaan ciidamada xoogga dalka, waxaana ay gallaafteen nolosha da’yar badan oo dooneysay in ay qaranka u adeegaan.

Waxaa muuqata in kooxda Alshabaab awoodeeda uu kusoo koobmay fulinta qaraxyada maadaama dagaalka fool ka foolka ah laga xoog roonaaday, iyada deegaanno badanna looga qabsadey.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho