Muqdisho (WDN)- Qarax aad u xooggan oo jugtiisa meelo fog laga maqlayey ayaa lala beegsadey xarunta maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu ka dhacey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Qaraxaan oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa lala beegsadey masuuliyiinta maamulka degmada Jalalaqsi, waxaana wararku sheegayaan in dadka qaraxa ku dhintey uu ku jiro gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Nuur Dabaashi iyo masuuliyiin kale, waxaana dadkii ku dhaawacmey la geeyey isbitaalka guud ee degmada Jalalaqsi.
Waa qaraxii 2-aad ee kooxda Alshabaab daqiiqado gudahood ka fuliso gobolka Hiiraan. Daqiiqado ka hor ayey kooxdu gaari Caasi ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa waxa ay la beegsatey buundada weyn ee degmada Buulo-Burde, halkaasi oo khasaaro xoog leh uu ka dhacey. Halkaasi oo qeyb weyn oo ka mid ah Buudadu ay burburtey.
Buundada ayaa muhiim u ahayd isu socodka magaalada iyo deegaanad kale ee gobolka.
Qaraxyadaan maanta Alshabaab gobolka Hiiraan isku waqtiga ka fulisey, ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafey kooxdu ay la kulantey jab xoog leh, ayadoo lagala wareegay deegaano istaraatiiji ah oo kooxda aad muhiim ugu ahaa isla markaana saraakiil sarsare looga diley.
Qaraxyadan ayaa la sheegaya in ay kooxdu ku muujinaysao inay weli saamayn xoog leh ku leedahay gobolka Hiiraan, oo wixii ay doonaan ka samayn karaan.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply