Muqdisho (WDN)- Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in maleeshiyaad la tirsan xarakada Alshabaab ay dhabaha u galeen kolonyo xamuul ah isla markaana dab qabadsiiyeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidkan xamuulka ah ee Alshabaab gubeen ay sideen raashin, waxa ayna ku wajahnaayeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kooxda Alshabaab ayaa inta badan deegaanada ka maqan gacantooda ee gobolada Hiiraan iyo Bakool kusoo roga xayiraado, waxa ayna aalaaba beegsadaan gaadiidka xamuulka ayagoo dab qabadsiiya.
Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkaan danbe waxaa ka socda hawlgalo xoog leh oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka, kaasi oo ka dhan ah xarakada Alshabaab.
Waxaa deeganadaasi hawlgalada milateri ka socdaan dhawaan booqasho ku tagey Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Md. Xamse Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhiga, xildhibaano iyo taliyaha ciidamada xooga dalka.
Falkan ay ku dhaqaaqday xarakada Alshabaab ayaa uga sii daraya xaaladda bini aadanimo ee ka jira koonfurta Soomaaliya, deegaanadaasi oo wajahaya abaaro xoog leh. Waxaana adag sidii lagu gaarsiin lahaa gargaarka kala duwan ee gudo iyo dibedba laga keeno si dadka aadka ah ugu baahan loo gaadhsiiyo.
MAxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho