Muqdisho (WDN)- Kooxda Alshabaab ayaa goor dhow qarax Is-miidaamin ah la beegsadey Buundada magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca BL-Ka ah oo Soomaaliduna u taqaan Caasiga Hoomeyda. Kaasi oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa uu qeyb kamid ah burburiyey Buundada magaalada Buulo-Burde, isla markaana waxaa uu sababey khasaaro kala duwan oo naf iyo maalba leh, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay.
Sawirro aan ka helnay buundada qaraxa lala beegsadey ayaa muujinaya in qaraxa uu ahaa mid u xooggan oo qeyb ahaan jarey Boondada, oo ah buundo muhiim u ah isu socodka gaadiidka dadweynaha iyo badeecadaha kala duwan ee magaalada looga baahanyahay.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa goobta gaarey, waxaana ay bilaabeen baaritaano la xariira qiimeynta khasaaraha meesha ka dhacey iyo baadi goobka raadka walxaha qarxa ee qaraxaasi loo adeegsadey .
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply